4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 12, 2014
Madaxweynaha Somalia oo shaaciyay inay wadahadallo la furayaan Puntland


Jimco, September 12, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisu ay dhawaan wadahadallo la furayso maamulka Puntland, si xal looga gaaro mad-madowgii dhawaan maamulkaas iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ay dhawaan magaalada Garoowe tageen ayna halkaas kulammo kula soo qaateen madaxda Puntland, C/weli Gaas iyo xubno maamlukaas ka tirsan. Haddana ay dib ugu soo laabteen Muqdisho.

“Dhawaan ayay dowladda federaalka wadahadallo la furi doontaa Puntland, waxaana xal ka gaari doonnaa murankii dhawaan soo dhexgalay maamulka Puntland iyo dowladda dhexe,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in maamulka Puntland ay aadi doonaan madaxda ka tirsan kuwa dalka inkastoo uusan carrabaabin, kuwaasoo la hadli doona madaxda Puntland si arrintan muranka dhalisay is-af-garad looga gaaro.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa xalay Puntland ku amaanay horumarka ay ka gaareen dhinaca doorashooyinka, wuxuuse xusay in madaxdoodu ay ka caroodeen maamul u sameynta gobollada dhexe, taasna ay tahay mid ay xaq u leedahay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo dhawaan uu maamulkaas ka dalbaday dowladda dhexe inay waqti u qabato marka ay Puntland kala hadlayso arrimihii khilaafka dhaliyay.

Puntland ayaa horay xiriirka ugu jartay dowladda dhexe kaddib markii ay ku eedeysay inay kusoo xad-gudubtay deegaannada ay ka taliyaan, taasoo ay ku sheegeen inay doonayso inay maamul ka sameyso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya