4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 12, 2014
Somali ka barbar dagaalama kooxda Daacish oo beeniyay in lagu dilay Ciraaq


Jimco, September 12, 2014 (HOL) — Iyadoo sirdoonka dalka Kanada ay 15-kii bishii hore shaaciyeen in duqeyn uu Mareykanku ka fuliyay Ciraaq lagu dilay wiil uu adeer u yahay ra’iisul wasarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa waxaa arrintaas beeniyay Faarax Maxamed Faarax Shir-doon oo ah wiilka la sheegay in la dilay, kaasoo ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka tirsan kooxda ISIS.

Faarax oo qoraal gaaban soo dhigay bog uu ku leeyahay barta Twitter-ka ee ay bulshadu ku xiriirto ayaa sheegay inuusan duqeyntaas ku dhiman balse uu ku dhaawacmay oo keliya.

“Alxamdullilah… waa been wararka warbaahintu qortay ee ku saabsan inaan geeriyooday; balse waxaan caddeynayaa inaan ku dhaawacmay dagaal ka dhacay waqooyiga dalka Ciraaq, haddana waan soo bogsanayaa,” ayuu ku yiri Faarax Maxamed Shirdoon qoraalka uu soo dhigay Tiwtter-ka.

Warbaahinta dalalka Kanada iyo kuwa Mareykanka ayaa bishii hore daabacay inuu Faarax oo haysta dhalashada Kanada uu ku dhintay dalka Ciraaq, kaa oo horraantii sannadkan ku biiray kooxda ISIS ee ka dagaalanta Ciraaq iyo Suuriya.

Kooxda ISIS ayaa waxaa ka barbar dagaalama dhallinyaro Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay wiil uu dhalay hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe iyo laba gabdhood oo Soomaaliyeed oo da’da 16-sano jira, kuwaasoo ka yimid dalka Britain.

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo ka kala yimid daafaha dunida ayaa u dagalaama kooxdan Islaamiga ah ee Daacish, kuwaasoo qaarkood fiidiyow ay soo dhigeen baraha Internet-ka ku sheegay inay ka go’an tahay inay ku dhintaan dagaalka ama ay guul gaaraan.

Sirdoonka Mareykanka ayaa dhawaan sheegay in wiil Somali ah oo kooxdan ka tirsan lagu dilay Suuriya, sidoo kalena waxay sheegeen in dhallinyaro ay tiradooda ku qiyaasayaan 100-ruux ay sannadkan ku biireen kooxda ISIS.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya