4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 12, 2014
XIL. DUCAALE: "Xariggii Xil. Shiiraar ma ahayn mid Waafaqsan Sharciga Dalka"

Jimco, September 12, 2014 (HOL) — Xildhibaan Max'ed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa si kulul u cambaareeyay xarig ay ciidamada dowladdu ugu geysteen dhawaan magaalada Muqdisho xildhibaan C/raxmaan Ibraahim Cali (Shiiraar), isagoo xariggaas ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn sharciga u dagsan dalka.

Mudane Ducaale oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inuu sidoo kale aad uga xun yahay in sawirrada xildhibaanka oo xiran lasoo dhigo baro ka mid ah shabakadaha wararka Soomaalida iyo baraha ay bulshadu ku xiriirto sida Facebook-ga.

“Waxaan caddeynayaa in xariggii loo geystay dhawaan xildhibaan Shiiraar uu ahaa mid aan waafaqsanayn dastuurka dalka u degsan iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, waana mid aan ka xumahay,” ayuu yiri xildhibaan Ducaale oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga xildhihbaannada Mudullood ee baarlamanka ku jira.

Xildhiaan Ducaale ayaa sheegay in hay’adaha amniga ee xiray mudanaha ay mas’uul ka ahaayeen intii uu xabsiga ku jiray, balse ay tani caddeynayso inay ahayd mid ay iyaga ka dambeeyeen in sawirro laga qaado xildhibaanka oo u xiran laguna baahiyo baraha Internet-ka.

“Sawirrada sida sharci-darrada ah looga qaaday xildhibaan Shiiraar isagoo xiray waa kuwo ay hay’adaha amniga ee uu xirnaa ka dambeeyeen, waana kuwo lagu doonayay in sharafta xildhibanka wax loogu dhimo,” ayuu xildhibaan Ducaale hadalkiisa raaciyay .

Mar uu ka hadlayay xarigga xildhibaanka inuusan waafaqsanayn dastuurka dalka ayuu yiri. “Xildhibaan baarlamaanka ka tirsan in la xiro waa sharci-darro; waxaana taas caddeynaya qodobka 70-aad ee dastuurka oo sheegaya in in la dhawro xasaanadda xildhiabannada baarlamaanka Somalia. Qodobkan farqadiisa koowad ayaa oranaysa; xildhibaanka dhibaato kama soo gaari karto fikirka uu ka dhiibto baarlamaanka hortiisa. Farqadda ku xigta ayaa iyana leh; Xarig looma geysan karo haddii aan lagu qaban fal dambiyeed uu faraha kula jiro; sharci ahaana ay khasab ay tahay in amar lagu qabanayo lasoo saaro. Xildhibaannada baarlmaanka lama xiri karo; xabsina laguma hayn karo. Marka xariggiisu qodobkaan meel kama soo galo.”

Ugu dambeyn, xildhibaan Ducaale ayaa soo jeediyay in baaritaanno dhab ah lagu sameeyo ciddii ka dambeysay xarigga xildhibaan Shiiraar iyo kuwii amarka ku bixiyay in sawirro laga qaado, lana horkeeno cadaaladda.

Xildhibaan Shiiraar ayaa dhawaan waxaa muddo saacad ah xabsi ku hayay ciidanka amniga dowladda, isagoo aan weli ka hadlin ciddii xirtay iyo sababihii loo xiray, wuxuuna sheegay inuu warbixin xariggiisa ku saabsan hor-dhigayo hay’adaha sharciga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya