4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 12, 2014
C/FATAAX: Odayaashu talo ayay ku leeyihiin dhismaha Maamul Goboleedyada


Jimco, September 12, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xassan Afrax oo maanta dib ugu laabtay magaalada Beledweyne ayaa  kulan la qaatay odayaasha dhaqanka, waxgaradka, ururrada dhalinyarrada iyo haweenka gobolka.

Afrax ayaa ugu horeyn warbixin ka siiyay qeybihii bulshada uu la kulmay safarkii ay dhawaan ku tageen degmada Buula-burte, isaga oo sheegay in xaalad nolaleed oo aad u liidata  ay ka jirtay degmada, hasse ahaatee waxaa uu uga mahad celiyay madaxweynaha dalka Jabuuti gargaarka uu gaarsiiyay dadka degmada waliba xili ay siweyn ugu baahnaayeen.

“Dadka reer Buula-burte hadda rajadoodii waa ay soo laabtay, muddo dheer waxaa ay go’doon ugu jireen Al-shabaab, laakiin hadda arrimahaas waa ay soo dhamaadeen, dadka nolashoodii caadiga aheyd ayeey dib u soo ceshanayaan ayuu yiri,’’ guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Qaar ka mid ah odayaashii ay kulmeen guddoomiyaha ayaa soo hadal arrimaha la xiriira dhismaha maamul gobolleedyada dalka, iyagoo eedeeyn u jeediyay shaqsiyaad ay tilmaameen in ay doonayaan in gobolka Hiiraan xaqiisa la duudsiyo ama la dafiro.

“Wararka naga soo gaaraya Muqdisho iyo siyaasada socta annaga ma'aha mid noo cuntameysa, waxaan og-nahay in ay jiraan shaqsiyaad Muqdisho fadhiya oo doonaya in ay tallada gobolka halkaa ka go'aamiyaan taasna waa diinay..adiga guddoomiyaha ah hadda Muqdisho ayaad ka timid... haddii aad aragtida noocaas ah qabto ee la doonayo in gobolkan xaqii uu lahaa lagu tuusiyo kuguma raacsanin' ayuu yiri,'' nabaddoon Cumar Libi.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in cabashada odayaasha iyo dareenka ay qabaan wax badan uu la socdo, isaga oo intaa ku darray in dhismaha maamul gobolleedyada gaar ahaan gobolka Hiiraan mar walba laga talla-gallin doono odayaasha dhaqanka.

“Waan ka warqabaa dareenkiina iyo aragtida aad ka qabtaan dhismaha nidaamka federaalka, gaar ahaan gobolka Hiiraan oo astaan u ah  dalka oo idil madaama uu yahay gobolka kaliya ee ka nool sadeedii gobol ee lagu aas-aasay Jamhuuriyad, sidda daraadeed aragtida aad ka qabtaan dhismaha nidaam-ka federaalka iyo maamul gobolleedyada si xor ah ayaad u gudbin kartaan, waxaanna idin ballan-qaadayaa in aad is aragtaan mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka si aad ugala hadashaan wax aad aaminsan tihiin,’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Maalmaha soo socda ayuu sheegay in ay jirin doonaan kulamo is daba joog ah oo mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo qeybaha bulshada uga arrisan doonaan siyaasada ku aadan dhismaha maamulada dalka iy mustaqbalka  gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha gobolka ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay taliyaha ciidammada Jabuuti Col Cismaan Dubad oo qeyb ka ahaa saraakiisha la soctay ciidammadii gaarsiiyay degmada Buula-burte raashinkii gargaarka ah ee uu ku deeqay madaxweynaha Jabuuti.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya