4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 12, 2014
Wadamada Carabta oo Taageero Dhaqaale u ballan-qaaday Dowladda Somalia


Jimco, September 12, 2014 (HOL) — Dalalka Carabta ayaa dowlada Soomaaliya u ballan-qaaday taageero lacageed, si ay ugu kabato miisaaniyad sannadeedka ay ku shaqeso sannad walba.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mahad Maxamed Salaad oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa sheegay in shirka wasiiradda arrimaha dibadda carbta ee ka dhacay Magaalada Qaahira lagu soo qaaday arrimaha Soomaaliya, waddamada Carabtuna ay Somalia u ballanqaadeen taageero dhaqaale.

“Hadal aan shirka ka jeediyay ayaa kaga hadlay horumarka ay ka sameysay dowladda Somalia dhinacyda siyaasadda, amniga, qorshaha hiigsiga cusub, doorashooyinka la filayo in dalka ay ka sanadka 2016-ka ka dhacdo Soomaaliya, la-dagaalanka argagaxisada iyo baahida dowladda ee ku aaddan taageero maaliyadeed oo ay hesho,” ayuu yiri Salaad.

Sidoo kale, shirka jaraa’id ee uu qabtay wasiir ku xigeenka ayuu ku xusay in in wadamada xubnaha ka ah ururka jaamacadda Carabta ay balan-qaadeen inay ka taageeri doonaan Somalia dhanka maaliyadda, gaar ahaan kabidda miisaaniyad sanadeedka dowladda u degsan.

“Dalalka Carabta waxay garwaaqsadeen in dowladda Somalia ay dhabarka ka jabisay arga-gaxisada, iyadoo aan ka helin beesha caalamka kaalmooyin ku filan oo dhinaca dhaqaalah ah iyo tan ciidanka,” ayuu wasiirku ku yiri shirkiisa jaraa’id.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay inuu shirka kaddib kulammo gooni-gooni ah la yeeshay qaar ka mid ah wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Carabta uuna ku wargeliyay inay xilligan Somalia soo booqan karaan ayna arki karaan horumarka la sameeyay.

Ugu dambeyn, Salad wuxuu sheegay in xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, Dr. Nabil Al-Carabi oo ay dib uga dhacday booqasho uu Somalia ku imaan lahaa inuu hadda imaan karo, si uu ugu kuurgalo horumarka dalku ku tallaabsaday sanadihii ee lasoo dhaafay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya