4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 12, 2014
Nin Turki ah oo lagu qabtay baasaboorka Somalia iyo Xildhibaan Dalxa oo ka hadlay (SAWIRRO)


Jimco, September 12, 2014 (HOL) — Kaddib markii dhawaan la shaaciyay in nin Turki ah oo wata baasaboorka dublamaasiga ee Soomaaliya kana ganacsada daroogada lagu qabtay dalka Bulgaria ayaa waxaa arrintaas ka hadlay Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah guddiga arrimaha dibadda baarlamaanka Soomaaliya.

Prof. Dalxa ayaa ku dhaliilay wasaaradda arrimaha dibadda Somalia ina aysan xakameyn karin qaadashada baasaboorka dulamaasiga ah ee Somalia, kaasoo uu sheegay inuu gaaray heer ay qaataan dadka ajnabi ah oo ka ganacsada daroogada.

“Dhowr jeer ayaan isku daynay in wax laga qabto baasaboorka Somalia ee uu ruux walba iska wadato, gaar ahaan kan dublamaasiga ah, balse way socon waaweyeen dadaalladdaas oo dhan. Mas’uuliyiin dowladda ka tirsan ayaana u fududeeya qaadashada baasaboorka dadka ajnibta ah,” ayuu yiri Prof. Dalxa oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha dibadda ee golaha baarlamaanka Soomaaliya.

Ninkan Turkiga ah oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha xarunta dalka Bulgeria ee Sofia ayaa lagu magacaabaa, Cengiz Duman Niyazi ayaa wuxuu booliiska Bulgeria u sheegay in uu yahay dublamaasi sharafeed dowladda Soomaaliya u qaabilsan gobollo ku yaalla dalka Turkiga oo kala ah; Adana, gobolllada Gaziantep.

Warbixin arrintan ku saabsan oo uu HOL soo gaarsiiyay wariye madax-bannaan oo lagu magacaabo, Dr. Bashiir Cali Lowyaan oo ku nool dalka Turkiga, ayaa warbixintiisaan ku xusan in baasaboorka uu ninkan watay la bixiyay 19-kii Maarso sannadkan 2014-ka, kaas oo laga bixiyay Muqdisho, balse ay codsatay safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga.

Xildhibaanka Dalxa ayaa sheegay in arrintan ay baarlamaanka horgeyn doonaan si wax looga qabto, loona xakameeyo qaadashada baasaboorka Soomaaliga ah, isagoo xusay in haddii aan arrintan wax laga qaban ay dhibaato u keeni doonto Soomaaliya oo dhan.

Si kastaba ahaatee, mas'uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa arrintaan iska fogeeyay, iyagoo ku tilmaamay mid la doonayo in sharaftooda wax loogu dhimo, isla markaana aysan aqoon ninka la sheegay inay baasaboorka u dalbeen oo ay wadashaqeyntu kala dhexeyso.

Wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa dhawaan shaaca ka qaaday inay xakameyn doonto baasaboorka Somalia, gaar ahaan kan dublamaasiga oo ay qaateen dad aan wax shaqo ku lahayn dublamaasiyadda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya