4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 12, 2014
Dowladda Somalia oo shaacisay in Awooddii burcad-badeedda la xakameeyay


Jimco, September 12, 2014 (HOL) — Xukuumadda Somalia ayaa ka dhawaajisay maanta inay xakameysay awoodda kooxaha burcadbadeedda ah, iyadoo hadalkaas uu Muqdisho ka sheegay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, C/llaahi Dool Maxamed.

Dool ayaa sheegay inuu shir looga hadlayo burcadbadeednimada kaga qeybgalay magaalada Cochin ee dalka Hindiya, kaasoo ay ka qaybgaleen dalalka kulaala Badweynta Hindiya oo ay Soomaaliya ku jirto.

“Intii uu shirku socday waxaan ka hadlay horumarka ballaaran ee dowladda Soomaaliya ay ka gaartay siyaasadda, amnig, dib u heshiisiinta, dowlad-wanaagga, la-dagaalanka kooxaha argagaxisada ah iyo burcad-badeedda,” ayuu yiri Dool.

Sidoo kale, xoghayaha ayaa xusay sababaha keenay in burcadbadeeddu ay ka dillaacdo xeebaha Soomaaliya ayna ka duulaan tagaan, isagoo arrin farxad leh ku tilmaamay in sannadkan aanu dhicin fal la xiriira afduubasho maraakiibta, taasoo uu xusay inay tusaale wanaagsan u tahay dagaalka iyo howlaha wacyi-gelinta ah ee dowladdu ku xakameysay burcadbadeedda.

Cabdullaahi Dool ayaa sheegay in markii uu soo dhamaaday shirka uu kulan la yeeshay ergadii ka socday dalalka Hindiya, Ingiriiska, Mareykanka, Yemen, Imaaraadka Carabta, Shiinaha, Singapore, Bangladesh, Seychelles, Mauritius, Kenya, Tanzania, Indonesia iyo Malaysia; ayna isku afgarteen in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga dhinacyo badan.

Xeebaha Somalia ayaa waxaa ku sugan maraakiib caalamka ka socda si ay ula dagaalamaan kooxaha burcadbadeedda ah, taasoo keentay inay hoos u dhacaan afduubkii ay kooxaha loo yaqaan burcadbadeedda ka geysan jireen Badweynta Hindiya iyo Badda Cas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya