4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 12, 2014
Taliye cusub oo loo dhaariyay Sirdoonka Kenya iyo la-dagaalanka Al-shabaab

Jimco, September 12, 2014 (HOL) — Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa shalay gellinkii dambe ee shalay lagu dhaariyay taliyaha cusub ee sirdoonka Kenya, iyadoo howsha ugu badan ee uu qaban doono lagu sheegay ka hor-tagga weerrarada Al-shabaab ka geystaan Kenya.

Jen, Philip Kameru ayaa waxaa dhawaan magacaabay Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, kaddib markii uu is-casilay taliyihii hore ee sirdoonka dalka Kenya kaddib markii uu sheegay inuu wax-ka-qaban waayay weerarrada Al-shabaab ku qaadaan dalkaas.

War kasoo baxay madaxtooyada Kenya in shaqada ugu badan ee hor-taalla agaasimahaan cusub ee loo magacaabay sirdoonka Kenya, Philip Kameru inay tahay inuu xoog badan galiyo sidii uu Kenya uga difaaci lahaa kooxaha argagxisada ah.

Uhuru Kenyatta ayaa ku wargeliyay sarkaalka cusub inuu waqtiga ugu badan galiyo sugidda ammaanka Kenya iyo la socodka wuxuu ugu yeeray shir-qoolada ay u maleegayso Kenya Xarakada Al-shabaab.

Dalka Kenya oo ka mid ah kuwa ay ciidamada AMISOM ka joogaan Somalia ayaa sannadihii lasoo dhaafay bartilmaameed u noqday Al-shabaab, iyadoo ay kooxdu ka geystay weerarro dhowr ah gudaha dalkaas.

Weerarkii ugu darnaa ayaa ahaa kii sannadkan ka dhacay deegaannada ku yaalla xeebaha dalka Kenya, kuwaasoo ay ku dhinteen tiro ku dhow 100-qof oo shacab iyo ciidan isugu jiray.

Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inay dagaalkeeda u wareejinayso gudaha dalka Kenya, iyadoo shuruud uga dhigtay joojinta weerarrada ay Kenya ka geysanayso dalkaas iyagoo la baxa ciidamadooda jooga Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya