4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 12, 2014
XASAN SHEEKH: Wadahadalka aan Somaliland kula jirno waan sii Xoojinaynaa


Jimco, September 12, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud oo xalay ka jawaabayay su’aalo ay ay shacabku weydiinayeen ayaa xusay inay xoojinayaan wadahadalka ay Somaliland kula jiraan, xilli Somaliland ay sheegtay in wadahadalladii kala dhexeeyay dowladda Soomaaliya inuu dhaawac gaaray.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inaysan qasbayn Somaliland, balse wax walba lagu dhameyn doono wadahadal iyo is-faham, isagoo aan sharraxin wuxuu ula jeedo khasabka, balse loo faristay inaysan ku qasbayn in Somaliland ay ka mid noqoto Soomaaliya iyo in kale, maadaama ay horay u goosatay.

“Wadahadallada aan kula jirno Somailand waan sii xoojinaynaa, khasabna ma jirto, balse wax walba waxaan ku dhameynaynaa wadahadal,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo ka jawaabay su’aal ku saabsanayd hadafka dowladdiisa ay ka qabto wadahadalkii ay la billaabeen Somaliland.

Dhawaan ayuu wasiirka warfaafinta Somaliland, C/llaahi Daahir Cukuse uu sheegay in dhaawac uu gaaray wadahadalkii ay kula jireen dowladda dhexe ee Soomaaliya, isagoo u sababeeyay in dowladdu ay taageertay maamulka Khaatume ee dhawaan doorashasiidu ay ka dhacday gobolka Sool.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay Puntland, isagoo maamulkaas ku amaanay sida dimuqraadiga ah ee ay madaxdoodu isku xilalka ula kala wareegaan, isagoo sheegay in maamulku uu dhawaan ka carooday qorshaha maamulka loogu dhisayo gobollada Mudug iyo Galguduud.

“Maamulka loo sameynayo gobollada dhexe ma ahan mid aanu doonayno in cid gaar ah aan ku dhibaateyno, balse ay tahay mid ay xaq u leedahay inay sameyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweynaha.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo Puntland ay bil ka hor ku dhawaqday inay xiriirka u jartay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ay ku eedeysay inay fara-gelin ku sameysay deegaannada uu maamulkaas ka taliyo.

Afhayeenka Puntland ayaa maalin ka hor sheegay in Puntland ay dowladda dhexe ee Soomaaliya ka doonayso inay muddo u qabto wadahadal ay kala furto Puntland khilaafkii dhawaan soo dhexgalay, inkastoo dowladdu aysan wax jawaab ah ka bixin dalabkaas.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan ayaa xusay in lixdii qodob ee uu ballan-qaaday markii xilka loo dooranayay uu qayb ka mid ah hir-geliyay, uuna u kala hormariyay sida ay u kala muhiimsan yihiin. Wuxuuna xusay inay ka sameeyeen horumar dhinacyada amniga, abaaraha iyo sidii dadka ku nool deegaannada abaaruhu ka jiraan loo caawin lahaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya