4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 11, 2014
Jaamacada Muqdisho oo soo gunaanaday todobaadka dhaqanka Jaamacada


Khamiis, September 11, 2014 (HOL) — Sanad walba waxaa ardayda cusub ee Jaamacadda Muqdisho kusoo biiraya loo qabtaa todobaadka dhaqanka si ardayda isku bartaan una soo bandhigaan hal-abuurkooda, laguna siiyo casharo ku saabsan shuruucda Jaamacadda oo ay ku dhaqami doonaan inta ay wax ka baranayaan jaamacadda Muqdisho.

Madaxa xafiiska ardayda Jaamacadda Muqdisho, Maxamuud Sheekh Cali oo ugu horreyn munaasabadda xiritaanka barnaamijka ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijka toddobaadka dhaqanka uu yahay mid ardayga lagu barayo nidaamka u degsan Jaamacadda Muqdisho, ardayduna ay soo bandhigaan hiwaayaadkooda iyo aqoonta guud ee toddobaadkaas ardayga sahay looga dhigo, isagoo ku boorriyay ardayda cusub inay noqdaan kuwo ku dayasho mudan.

Sidoo kale, waxaa isna xafladda ka jeediyay hadal ku saabsan cilmiga iyo faa'idadiisa, Dr. Axmed Sheekh Xasan (Qudubi) oo ardayda ku dhiirri-geliyay barashada cilmiga iyo faa’iidooyinka uu u leeyahay bulshada iyo in horumar la taaban karo ay ku tallaabsadaan, isagoo soo qaatay aayado Qur’aan iyo axaadiistiista Nebigeenna Muxamed (NNKH) si ardayd ugu bayaaniyo waxa uu ka hadlayo.

Intaa kaddib waxaa goobta sugaaan ka jeediyay, C/qaadir Cabdi Axmed (JUBBA) isagoo jaamacadda Muqdisho ku amaanay dadaalka ay ugu jirto sidii ay bulshada Soomaliyeed wax u bari lahayd, waxaana erayo sugaaneedkii uu jeediyay ka mid ahaa:

- Jeebkaadaa Liitee naga joog… Jaamacadaanaa joojisay.
- Jawaab mahayo Jaamacow adaaba joogo iigu Jiid Jaamacadaanaa joojisay.

Ugu dambayn, guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr Cali Sheekh Axmed Abuubakar ayaa hadal dhinacyo badan taabanayay u jeediyay ardaydii ka qaybgalay toddobaadka dhaqanka Jaamacadda, isagoo soo dhaweeyay kuna amaanay ardayda cusub kalsoonida ay Jaamacadda Muqdisho siiyeen isagoo ku yiri. "Waxaad ogaataan in Jaamacadda Muqdisho ay ku tilmaaman tahay cadaalad iyo sinnaan.” Wuxuuna intaas ku daray in Ummaduhu ay ku kala hormaraan wax-barasho, isagoo xusay in Jaamacadda Muqdisho ay ardayda Soomaliyeed u horseedday waxbarasho tayo leh, taasoo huwan akhlaaqda iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed.

Dr. Cali Sheekh Axmed ayaa ardayda cusub ku yiri. "Waxaan hubaa inaad tihiin madaxda dalka ee soo koraysa, idinkuna niyadda arrintaas geliya, waxaana la idinka doonayaa inaad ummadda u horseedaan waddo wanaagsan oo ku salaysan cilmi iyo iimaan.

"Waxaa ballan-qaadaynaa inaan dadaalka ugu weyn ku bixin doono sidii aad u heli lahay-deen waxbarasho tayo leh, sababta oo ah waxaan ognahay in ay dalka wax k bedeli karto aqoon iyo dadaal dheeri ah," ayuu hadalkiisa kusoo gunaanaday guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya