4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 11, 2014
Dhallinyarada Degmooyinka Gobolka Banaadir oo Dood-Cilmiyeed loo Qabtay


Khamiis, September 11, 2014 (HOL) — Dood-cilmiyeed ay CCD soo qaban-qaabisay ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, kaasoo dhalinyaro ka socday 17-ka degmo ee Muqdisho ay ka qayb-galeen.

Dood-cilmiyeedka ayaa diiradda lagu saaray sidii dhallinyarada u dagaalanta Al-shabaab looga soo saari lahaa, isla markaana uga faa'ideysan lahaayeen cafiska dowladdu u fidisay ee 45-cisho ah.

Agaasimaha xiriirka bulshada ee gobolka Banaadir, C/casiis Goodax Barre oo furay doodda ayaa sheegay in looga hadlayo danta dhalinyarada Soomaaliya iyo mustaqbalkooda, wuxuuna intaas ku daray in doodda ay qayb ka tahay sidii ay uga soo bixi lahaayeen ka mid ahaanshah Al-shabaab.

"Qaabab badan ayaa looga soo saari karaa dhallinyarada wali ku jira kooxda Al-shabaab ayaa socda, waxaana lagu soo gacan-geli karaa in wacyi-gelinno ku aaddan inay jidkaas kasoo noqdaan," ayuu yiri C/casiis Goodax.

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri. "Boqolaalka arday ee maanta doodda ka qayb-galaya meeqa saaxib ayay leeyihiin, waxaa la rabaa inay fariintaas gaarsiiyaan, wanaaga xornimada leedahayna ay u sharraxaan ayna kooxda Al-shabaab kasoo baxaan."

Gudoomiyaha ururka dhallinyarada gobolka Banaadir, Cabdikaafi Maxamuud Makaraan oo isna hadlay ayaa sheegay in magacii dhallinyarada la lumiyay loona baahan yahay in lasoo celiyo, isla markaana muuqaalka xun meesha laga saaro.

"Magacii dhallinyarada ee lumay waa in lasoo celiyo, maanta waxay joogtaa in dhallinyarada laga cabsado, intaas la suuliya la rabaa oo la qiro doorka dhallinyarada ay leeyihiin, Soomaaliya barsimaadkii waxaa loo yiqiin libaax-yada Afrika, magacaas dhallinyarada maanta laga rabaa inay soo celiyaan," ayuu yiri Makaraan.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay dhallinyarada inay dowladda garab siiyaan, lana shaqeeyaan, isagoo kuwa Al-shabaab ku jirana ugu baaqay inay dib u soo noqdaan, iyagoo heli doona daryeel, caafimaad, amni iyo waxbarasho.

Ugu dambeyn, dhallinyaradii ka socotay 17-ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa is weydaarsaday fikrado iyo talooyin ku saabsanaa in la joogteeyo kulammada noocan oo kale ah, si dhallinyarada aqoon kororsi badan ugu hesho, loogana hortago in dhallinyarada la marin habaabiyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya