4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 11, 2014
BARACK OBAMA: Waxaan naga go’an burburinta kooxda Islaamiga ah ee ISIS

Khamiis, September 11, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa sheegay inuu cagta marin doono kooxda islaamiyiinta ah ee ISIS, isagoo xusay inaysan Mareykanka qorshaha ugu jhirin inuu ciidammo lugta ah geeyo dalka Ciraaq.

Hadal la sugayay oo uu xalay jeediyay ayuu kaga hadlay qorshahooda ku aaddan sidii looga hortagi lahaa kooxda ISIS, isagoo ka dhawaajiyay in Mareykanka hogaaminayo isbaheysi la dagaalama kooxdaas.

“Haddii aad Mareykanka khatar ku tahay, meelna kuma nabadgeli doontid, waa bur-burineynaa ISIS, waxaa bartilmaameedsanayaa goobaha saldhiga u ah, annagoo adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn,” ayuu yiri Obama oo xusay inaanu xilligan ciidan dhulka u direyn dalka Ciraaq.

Kooxda Islaamiga ah ee ISIS ayaa ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya iyagoo dhawaan gowraacay laba wariye oo u dhashay dalka Mareykanka, taas oo ay ku sheegeen inay tahay aargudasho ay Mareykanka uga aar-gudanayaan duqeymaha uu ka geysanayo dalka Ciraaq.

Obama ayaa sheegay in dowladda Ciraaq uu ka taageerayo dagaalka ka dhanka ah dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya oo tilmaamay in si ka duwan sidii hore ay ula dagaalamayaan wuxuu ugu yeeray argagixisada.

Sidoo kale, madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay qorsho cusub oo lagu naafeynayo kooxaha islaamiyiinta ah ugu dambeyna ay burburinayaan, isagoo tilmaamay inay diyaar u yihiin inay tallaabo milateri oo dhan kasta ah ka qaadaan kooxda.

Hadalka Obama ayaa imaanaya iyadoo Mareykanka uu raadinayo taageero uu ka helo dalalka gobolka iyo caalamka intiisa kale, si loo qaado dagaal ka dhan ah Kooxda islaamiga ah ee ISIS.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya