4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 11, 2014
Dibadbaxii ugu horeeyay ee ka dhan ah Al-shabaab oo ka dhacay Buulo-burte


Khamiis, September 11, 2014 (HOL) — Degmada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhacay bannaanbixii ugu horreeyay loo looga soo horjeedo Al-shabaab, kasoo ay ka qaybgaleen dadweynaha degmadaas ku nool, saraakiisha ciidamada iyo ardayda wax ka barata dugsiyada.

Guddoomiyaha degmada Buulo-burte, C/Casiis Duurow oo dadweynihii ka qaybgalay dibadbaxaas u jeediyay khudbad ayaa sheegay in maamulkiisu dadaal ugu jiro nabad ka dhacda guud ahaan degmada Buulo-burte, isagoo xusay inay hub u qaybiyeen dadka reer miyiga ah si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab oo uu ku sheegay koox nabad-diid ah.

"Haddii uu magaalada soo galo qof ka tirsan Al-Shabaab shacabka ayaa noo soo sheega, markaas kaddibna ciidamada amniga ayaa gacanta ku dhiga," ayuu yiri Duurow oo sheegay inay gacanta ku dhigeen in ka badan 10-qof oo ka tirsan Al-shabaab tan iyo markii degmadaasi gacanta u gashay ciidamada huwanta ah.

Taliyaha ciidamada AMISOM ee Jabuuti, Col. Cusmaan Dubbad oo ka mid ahaa saraakiishii halkaas ka hadlay ayaa sheegay in dibadbaxan maanta ka dhacaya degmada Buulo-burte uu yahay mid ay dadweynaha degmadaas ku muujinayeen nacaybka ay u qaadeen Al-shabaab.

"Waxaan uga mahad-celinayaa maamulka gobolka Hiiraan iyo hay'adda CCD oo fursad u siiyay dadka degmada Buulo-burte inay muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan Al-shabaab oo dhibaatooyin badan ku haysay, wuxuuna ka ballanqaaday goobta inaysan ka tegi doonin inta goblka Hiiraan ay guud ahaantiis ay ka dhigaan meel aanay ku dhuuman karin kooxa xagjirka ah ee Al-shabaab,” ayuu yiri Dubad.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, C/fataax Xasan Afrax oo isna ka mid ahaa madaxdii khudbadaha u jeediyay dadweynaha Buulo-burte ayaa wax lagu farxo iyo taariikh baal dahab ah galeysa ku tilmaamay in dadweynaha degmada ay ka bannaanbaxaan sameeyaan si ay u muujiyaan inay u geysatay Al-shabaab dhibaatooyin badan, wuxuuna xusay in markii ay baaritaanno ku sameeyeen rag ka tirsan Al-shabaab ay ogaadeen inay ku shaqeeyaan daroogo.

"Markii aan baaritaanno ku sameynay kuwa u dagaalama argagixisada arxan-laawayaasha ah waxaan ogaanay inay ku shaqeeyaan daroogo," ayuu yiri Afrax oo sheegay dhinaca kale in Al-shabaab waxay wadaan aanay diin ahayn, balse ay tahay argagix loona soo diray shacabka Soomaaliyeed, iyagana ay ka go’an tahay inay la dagaalamaan.

Taliyaha saldhigga booliiska Balaadweyne, Cali-dhuux Mahad-Alle oo isna ka hadlay dibadbaxa Buulo-burte ka dhacay ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay mid ay dadka degmada ugu dabaal-dagayaan neecaawda xornimo ee ay heleen, kaddib sanooyin gumeysi ay ku haysatay Al-shabaab.

"Waxaan dhiiggeenna ku bixinay sidii ay dadka gobolka Hiiraan ay ku heli lahaayeen xornimo iyo in laga dulqaado heeryada kooxda cadowga ah ee Al-shabaab," ayuu yiri taliye Cali-dhuux.

Dhinaca kale dadweynaha degmada Buulo-burte ayaa sitay boorar ay ku qornaayeen erayo ay ka mid ahaayeen; "Shabaab waa cadowga nabadda. Waxaan doonaynaa nabad ma doonayno dagaal" iyo kuwo kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya