4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 10, 2014
Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo gaaray degmada Kismaayo [Sawirro]

Arbaco, Sebteembar 10, 2014 :- Wafdi ay horkaceeysay kuxigeenka wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Miss: Faatixa Saruur ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo iyagoo kulan la qaatay masuuliyiinta ugu sareeysa ee maamulka Jubba.

Wafdigan ayaa gudaha xarunta madaxtooyada Jubbaland kulan kula qaatay madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee maamulka Jubba Mudane C/qaadir Lugadheere iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka, waxa ayna wada qaateen kulan socday saacado badan oo ay dibad joog ka ahayd saxaafadda.

Kulanka ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa saxaafadda uga warbixiyay madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee maamulka Jubba Suldaan C/qaadir Lugadheere waxa uuna sheegay in wafdiga ay ka wada hadleen arimo ay kamid yihiin shirka dib u heshiisiinta ee la filayo in uu furmo 16-ka bishan, arimo la xiriira ciidamadii dhawaan soo xarooday, arimahaas oo uu xusay in dhamaantood ay isku afgarteen shirkana uu si rasmi ah magaalada Kismaayo uga furmi doono 16-ka bishan.

Wafdiga ayaa sidoo kale booqday xarunta Jaamacadda Kismaayo halkaasoo ay daganyihiin ciidamadii dhawaan soo xarooday ee uu horkacayay COL Barre Aadan Shire (Hiiraale), waxa ayna la kulmeen saraakiisha ciidamadaasi.

COL Cabdi Cigaal oo ah sarkaalka hogaaminaya ciidamada ku sugan Jaamacadda oo u waramay wafdiga ayaa sheegay in xaaladda ciidankaasi ay aad u wanaagsantahay, isagoo xusay ina y kulamo la qaateen madax ka tirsan maamulka Jubba oo ay ka wada hadleen arimaha nabadgelyada deegaanada Jubooyinka.

Miss. Faatixa Saruur ayaa sheegtay in arimaha ugu muhiimsan ee ay u yimadeen ay tahay sidii loo dardar gelin lahaa arimaha dib u heshiisiinta ee ka soconayo deegaanada Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]     
Kismaayo-Soomaaliya