4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 10, 2014
Somalia oo ka Qayb-gashay Kulan looga hadlay Difaaca Xaquuqda Carruurta


Arbaco, September 10, 2014 (HOL) — Xubnaha golaha amniga ee Qaramada Midoobay ayaa kulan isugu yimid 08-dii bishan, iyadoo kulankaan  looga dooday difaaca xaquuqda caruurta, gaar ahaana sidii looga hor-tegi lahaa askareynta iyo u adeegsiga xaaladaha dagaalka.

Kulankan ayaa waxaa dowladda Somalia uga qeybgalay qunsulka Somalia u fadhiya New York, ergada joogtada ah ee Qaramada Midoobay, Cawaale Cali Kullane.

Cawaale oo kulanka ka jeediyay khudbad ayaa ugu faah-faahiyay xubnaha golaha sida ay dowladda Soomaaliya u illaalinayso xaquuqda carruurta, isla markaana ay uga fogaatay askareynta carruurta aan da'da qaan-gaarka gaarin. Isagoo xusay in dowladdu Somalia ay horay u saxiixday heshiiska difaaca xaquuqda carruurta.

"Dowladda Soomaaliya waxay dadaal ugu jirtaa daryeelka carruurta, maadaama carruurta Soomaaliyeed ay yihiin mustaqbalkii dalka; waxayna dowladdu ku howlan tahay diyaarinta sharcigii iyo nidaamyadii kale ee lagu dhowri lahaa xaquuqda carruurta, waxaana jira qorshe baarlamaanka laga ansixin doono, kaasoo qeexaya difaaca iyo daryeelka xaquuqda caruurta Soomaaliyeed," ayuu yiri Cawaale.

Sidoo kale, Qunsulka ayaa sheegay in madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ay ka go'an tahay inuu qaado tallaabooyin cad-cad oo lagu hir-gelinayo heshiiskii horay loo saxiixay xilligii dowladdii KMG ahayd ay dalka ka jirtay, si loosoo afjaro shaqo-qorista iyo isticmaalka caruurta, isla markaana looga hortegi lahaa dilka iyo dhaawaca carruurta loo geysto.

"Xukuumadda Somalia waxaa ka go'an in la gaaro ujeeddooyinka ka mid ah barnaamijka kasoo baxay golaha ammaanka ee agaa caruurtu ciidan ma ahan,” ayuu Cawaale hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, Qunsulka Soomaaliya ee New york ayaa ka codsaday xubnaha Golaha Amniga in la helo taageero lagu horumarinayo geeddi-socodka siyaasada iyo dastuurka dalka, kuwaasoo laga dhex helayo fursado la xariira difaaca iyo daryeelka xaquuqda carruurta, maadaama dalku kasoo kabanayo colaado sokeeye iyo nidaam la'aan muddo soo jiray.

Ugu dambeyn, Kulane ayaa yiri. "Waxaan ognahay markii colaadaha sokeeye ay dhacaan in markiiba wax yeelloobaan tiirar muhiim ah ee ummadi aysan ka maarmin, kuwaasoo ah rajada shacabka, toosnaanta iyo dhaqan dadka, mabaadi'da ummadda iyo sharafkeeda. Lakiin Somalia maanta waxay u taagan tahay bogsiinta boogihii colaaduhu reebeen, dib u noolaynta ummadda iyo dib u hagaajinta dhammaan tiirarka iyo qodobada asaasiga ah ee ay saameeyeen dagaaladii sokeeye.”

Kulane ayaa sheegay in waxyaabahaas dib loosoo nooleynay ay ka mid yihiin carruurteena oo ah mustaqbalkeena, qaladaadkii horay u dhaacaysan aysan dib ugu soo laaban lahayn, isagoo xusay inay Somalia ku qasban tahay inay carruurteena u shaqeyso si ay u helaan fursadaha ay istaahilaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya