4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 10, 2014
Haya’dda Relief International oo Qalab ku Wareejisay Jaamacadda Banaadir


Arbaco, September 10, 2014 (HOL) — Hay’adda Relief International ayaa ku wareejisay maamulka Jaamacadda Banaadir qalab caafimaad oo kala duwan.

Munaasabadda wareejinta qalabkan oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda ee Muqdisho ayaa waxaa goob-joog ka ahaa xubno ka tirsan hay’adda Relief International, maamulka, macalimiinta iyo ardayda Jaamacadda Banaadir iyo xubno kale.

Sarkaalka ugu sarreeya xafiiska hay’adda ee Somalia, Dr. Ciise Nuur Liibaan ayaa sheegay in qalabkan ay ugu talo galeen inay wax-ku-bartaan ardayda kuliyaddaha xannaanada xoolaha iyo caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir.

“Qalabkan waa kuwo casri ah waxaa ku jira sheybaar marka baaritaan lagu sameynayo shaashadda iyo agab kale oo wax lagu arko ay ku rakiban yihiin, waxaana loogu talo galay inay ardaydu tababar ku galaan, intaanan keenin ka horna waxaan kala tashanay maamulka Jaamacadda, inta uu qalabkan ka kooban yahay, balse macno badan sameynaya. Waxaana rajeynayaa in ardayda wax-ku-baran doonta ay faa’iidooyin badan ka heli doonaan,” ayuu yiri Prof. Ciise oo ardayda kula dardaarmay inay xannaaneystaan qalabka si haboonna u isticmaalaan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa hay’adda Relief International uga mahad-celiyay qalabka ay ugu deeqday Jaamacadda oo uu sheegay inuu yahay mid wax ku ool ah oo wax badan ka taraya kobcinta aqoonta ardayda gaar ahaan kuwa wax-ka-barta kulliyadda xannaanaada xoolaha.

“Anigoo ku hadlaya magaca maamulka, macalimiinta iyo ardayda Jaamacada waxaan hay’adda RI uga mahad-celinayaa qalabka ay Jaamacadda Banaadir ugu deeqday,” ayuu yiri Dr. Dalmar.

Sidoo kale, wuxuu xusay inaysan Jaamacaddu ka dalban hay’adda qalabkan, laakiinse ay deeqdan ku timid garasho iyo markii ay arkeen baahida jaamacadu ay u qabto qalabkan, taasoo uu sheegay inay astaan u tahay sida hay’addu ay u garab taagan tahay bahda waxbarashada, gaar ahaan Jaamacadda Banaadir.

Hormuudka kulliyadda caafimaadka Jaamacada Banaadi, Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa xusay in qalabkan uu wax badan ka tarayo tayeynta iyo kobcinta ardayda caafimaadka iyo kuwa xannaanada xoolaha oo uu sheegay inay yihiin labo kulliyadood oo mataano ah.

Drs. Nuurto iyo Cumar Kulmiye oo goobta ka hadlay ayaa mahad-celin kaddib waxay sheegeen in qalabkan uu muhiim u yahay ardayda wax ka barta kulliyaddaas; waxayna ballan-qaadeen inay sidii loogu talo-galay u adeegsan doonaan dhinaca tayeynta waxbarashada.

Ugu dambeyn, maamulka Jaamacadda Banaadir ayaa shahaado sharaf ay ugu talo-galeen hay’adda Relief International iyo mid shaqsi ah waxay guddoonsiiyeen madaxa Dr. Ciise Nuur Liibaan oo ah madaxa hay’addaas xafiiskeeda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya