4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 10, 2014
Booliika Gobolka Bay oo Maanta Tababbar looga Furay Baydhabo (SAWIRRO)


Arbaco, September 10, 2014 (HOL) — Ciidamada booliiska gobalka Bay ayaa maanta loo furay tababar ku aaddan ilaalinta xaquuqa aadanaha, iyadoo ay soo diyaariyeen booliiska ee AMISOM.

Askarta tababarkan la siinayo ayaa waxay gaarayaan 30, kuwaasoo isugu jira saraakiil iyo askar hoose, waxaana inta uu tababarku socdo ay ku baran doonaan habka la dhaqanka bulshada iyo sidii loo ilaalin lahaa sharciyada ay leeyihiin booliiska iyo xaquuqal Insaanka.

Tababarkan ayaa saraakiisha ka qaybqaadanaya waxaa ka mid ah taliyaha booliska gobalka Bay, Col. Mahad C/raxmaan iyo saraakiil ka tirsan qaybta booliska gobalka Bay, kuwaas oo laga keenay deegaanno ka tirsan gobolka.

Sidoo kale, waxaa maanta siminnaar kale loogu qabtay Baydhabo guddiga sameynaya maamulka Koonfur-galbeed ee saddexda gobol ka koob-naan doona, iyadoo la filayo in shirka maamul u sameynta Koonfur-galbeed uu magaalada ka furmo maalinta berri ah.

Goobta shirka lagu qabanayo ayaa ammaankeeda aad loo adkeeyay, iyadoo ammaanka ay sugayaan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM, waxaana goobtan ay ku dhow-dahay garoonka diyaaradaha Baydhabo.

Qaban-qaabada qabashada shirkan lagu dhisayo maamulka saddex gobol ka kooban ee Koonfur-galbeed ayaa lasoo gaba-gabeeyay, iyadoo lagu wado in uu ka qaybgalo xafladda furitaanka shirkan guddoomiyaha baarlamaanka iyo xildhibaanno tiradoodu thay 24 iyo wasiirro qayb ka ah guddiga maamulkan dhisaya.

Hiiraan Online, Baydhabo