4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 10, 2014
Turkiga oo cambaareeyay weerarkii ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho


Arbaco, September 10, 2014 (HOL) — Turkiga ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee Isniintii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka Muqdisho, kaasoo ay ku nafwaayeen ugu yaraan 20-qof oo shacab ah, ayna dhaawacyo kasoo gaareen soddomeeyo kale.

War ay soo saartay maanta wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa tacsi loogu diray ehellada dadkii ku geeriyooday weerarkaas, iyagoo dadkii ay ka soo gaareen dhaawacana u rajeeyay caafimaad qab deg-deg ah.

“Tani waxay muujinaysaa in Al-shabaab ay wali halisteedu jirto, inkastoo uu gaaray dhaawac dhinaca awoodda iyo niyadda ah dhul badan oo ay ka talin jireenna laga saaray,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Turkiga.

Sidoo kale, dowladda Turkiga ayaa sheegay inay sii wadayso taageeradeeda Soomaaliya iyo sidii ay dowladda Soomaaliya uga caawin lahayd xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida dalka.

Weerarkan oo lagu bartilmaameedsanayay gaadiid ay wateen askar AMISOM ka tirsan ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab, afhayeen u hadlay ayaa sheegay inuu weerarku uu ahaa mid ay ugu aargudaan dilkii loo geystay dhawaan hoggaamiyahoodii Axmed Godane.

Afhayeenka oo lagu magacaabo Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay in weerarkan ay ku dileen saraakiil Mareykan ah, inkastoo AMISOM ay taas beenisay, sheegtay in laba askari oo ciidamadooda ka tirsan.

Sheekh Abuu-Muscab ayaa ku goodiyay inay sii wadayaan weerarradan ayna ku beegsan doonaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, inkastoo horay ay dowladdu ugu dhawaaqday inay ka digtoon tahay weeraro kaga yimaada Al-shabaab.

Qaramada Midoobay iyo dalal kale oo caalamka ah ayaa weerarkan horay u cambaareeyay iyagoo ku tilmaamay fal argagaxiso oo lagu dilay shacab aan waxba galabsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya