4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 10, 2014
Howlgal lagu soo qabqabtay dhallinyaro lagu tuhusan yahay Al-shabaabnimo


Arbaco, September 10, 2014 (HOL) — Ciidamada amniga Somalia ayaa maanta degmada Hodan ee gobolka Banaadir ku qabtay in ka badan 10-qof oo lala xiriirinayo Al-shabaab, kuwaasoo lagu qabtay Howlgallo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Taliyaha saldhigga booliska degmada Hodan, Col. Maxamed Daahir oo qaar ka mid ah warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen 13-qof oo baaritaan uu ku socdo.

“Ciidamada amnigu waxay maanta soo qabtay dhallinyaro tuhun looga qabo inay Al-shabaab la shaqeeyaan, ciddii ay ku caddaato tuhunka laga qabana maxkamad ayaan saareeynaa,”a yuu yiri Col. Maxamed Daahir.

Sidoo kale, taliyaha ayaa xusay in dhallinyaradan ay kasoo qabqabteen xaafado kala duwan oo degmada Hodan ka tirsan, isagoo aan sheegin inay ahaayeen kuwo ay si gaar ah u bar-tilmaameedsadeen iyo in kale.

Qabqabashada dhallinyaradan lagu tuhunsan inay Al-shabaab la shaqeynayeen ayaa waxay kusoo beegatay iyadoo shalay uu qarax aan khasaare geystay ka dhacay waddada isku xirta isbitaalka Madiina iyo kan Banaadir, kaasoo lagu bartilmaameedsanayay gaari ay wateen ciidan ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Howlgallo baaritaanno ah ayay saakay ciidamada ammaanku ka sameyeen qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan waddada Maka Al-Mukarama oo isku xirta madaxtooyada iyo isgoyska lambar afar.

Si kastaba ha ahaatee, howlgalladan iyo dhallinyarada lagu soo qabtay ayaa imaanaya xilli ay wasaaradda amnigu dhawaan ka digtay weerarro ay Al-shabaab ka geysato Muqdisho, kaddib dilkii hoggaamiyahoodii hore.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya