4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 10, 2014
Hay’ad u Doodda Qoxootiga oo eedeyn u Jeediyay Xukuumadda Dalka Kenya

Arbaco, September 10, 2014 (HOL) — Hay’adda u doodda xuquuqda dadka qoxootiga ah ee Refugees International ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya uu haystaan cadaadis dhinacyo badan leh.

Hay’adda ayaa sheegtay inay aad u yar tahay suuro-galnimada in qoxootiga Soomaalida ah dib loogu celiyo dalkooda, iyadoo sabab uga dhigtay in Soomaaliya aysan ku helayn nolol wanaagsan, haatanna xaaladda bani’aadanimo oo kasii daraysa ay ka jirto Soomaaliya.

Sidoo kale, Refugees International oo soo xiganaysa go’aan sanadkaan ay dowladda Kenya soo saartay qoxootiga oo ahaa inay ku laabtaan xeryaha qoxootiga iyo hawlgal ay ciidanka ammaanka Kenya ka fuliyeen xaafadaha ay Somalidu ka dagan tahay magaalada Nairobi.

Warbixinta hay’adda ayaa lagu xusay in tacadiyo loo gaystay qaxootiga ku nool Nairobi ee Soomaalida ah intii uu socday howlgalkii loogu magac-daray Usalama Watch, waxayna tilmaamtay in dadka qoxootiga ah qaarkood lagu khasbay inay bixiyaan lacago laluush ah oo gaaraya inta u dhaxeysa $450 illaa $550 si ay isku badbaadiyaan.

Hay’adda ayaa ugu baaqday dowladda Kenya inay gudato waajibaadkeeda kaga aaddan arrimaha qoxootiga sida ku xusan heshiiskii saddex geesoodka ahaa.

Sidoo kale, warbixintu waxay ugu baaqday UNHCR iyo waaxda arrimaha qaxootiyada ee Kenya inay ka wada-shaqeeyaan sidii loo wadaagi lahaa macluumaadka ku saabsan dib u celinta qoxootiga Soomaalida, isla markaana UNHCR ay xaqiijiso in barnaamijyadeeda dib u celinta xaqoqtiga ku nool Kenya iyo dib u dejintooda.

Ugu dambeyn, warbixinta ayaa kusoo beegmayso xilli xukuumadda Kenya ay doonayso in tiro badan oo qaxootiga Soomaaliyeed ay dalkooda dib ugu laabtaan, xilli xaaladda xun oo dhinaca bani’aadamnimada ah ay ka jirto gobollo ka tirsan Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya