4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 10, 2014
Bannaanbax ka dhacay Baydhabo iyo Nuunoow oo wadahadallo la furaya Ax'ed Madoobe (SAWIRRO)


Arbaco, September 10, 2014 (HOL) — Bannaanbax loog soo horjeedo Maxamed Cismaan Jawaari iyo danjire Nicholas Kay ayaa maanta ka dhacay xarunta ADC-da iyo buundada Abshir Kaahiye ee magaalada Baydhabo, iyadoo berri uu ka furmo doono Baydhabo shir lagu dhisayo maamul saddex gobol ka kooban.

Dadkii bannaanbaxan ka qaybgalayay ayaa lagu waday inay waddooyin ka mid ah kuwa magaalada socod ku maraan, balse waxaa loo hor-istaagay arrimo amniga ku saabsan, sida ay sheegeen mas’uuliyiin degmada.

Taageerayaasha maamul-gobaleedka lixda gobol ayaa ka bannaanbaxa ka qaybgalayay iyagoo isugu tagay xarunta ADC-da Baydhabo, halkaasoo ay kula hadleen mas’uuliyiinta maammulkaas, sida wasiiradda haweenka Faayoow Xaaji, wasiirka gaadiidka, Cabullahi Leesto, wasiirka arrimaha gudaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Mas’uuliyiintan ayaa dhammaantood waxay xuseen in la qaadaco hadalladii kasoo baxay ergayga Qaramada Midoobay iyo fikrada uu wado guddoomiyha baarlamaanka Somalia, Maxamed Cusmaan Jawaari ee ku saabsan in la dhiso maamul saddex gobol ka kooban.

Gaba-gabadii bannaanbaxa ayaa waxaa dadkii ka qaybgalayay la hadlay madaxweynaha maamulka lixda gobol, Madoobe Nuunow oo u sheegey inaysan kala go'i karin gobalada koonfureed ee Soomaaliya, uuna diyaar u yahay inuu wadahadal la furo Axmed Madoobe oo ah madaxweynaha Jubbaland, balse uusan hor-fariisn doonin maamulka saddexda gobol.

Nuunow ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inuu u tanaasulayo, Axmed Madoobe haddii aysan kala go’ayn lixda gobal, iyadoo dhammaadkii dibadbaxana lagu gubay goobta sawirka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Jawaari.

Dhinaca kale, maalinta berri ah ayaa la filayaa in la furo shirka lagu dhisayo maamul-goboleed saddex gobol ka kooban, kaasoo ka furmo doona gudaha magaalada Baydhabo, gaara ahaan xerada qaybta 60-aad ee ciidamada xoogga dalka ee gobalka Baay.

Magaalada ayaa waxaa ka socda shir loogu hadlayo sidii loo mideyn lahaa maamullada Koonfur-galbeed ee horay looga dhisay Baydhabo, taasoo ay wadaan xildhibaannada kasoo jeeda deegaannadan.

Hiiraan Online, Baydhabo