4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 10, 2014
Australia oo Malaayiin Doollar ku bixinaysa Gargaarka Abaaraha Soomaaliya

Arbaco, September 10, 2014 (HOL) — Xukuumadda Australia ayaa shaacisay inay shan milyan oo doollarka Mareyanka ah ku bixinayso gargaarka bani’aadamnimo ee Somalia, taasoo ay sheegtay inay marinayso hay’adaha gargaarka Qaramada Midoobay, si ay ugu isticmaalaan kaalmooyinka deg-degga ah ee ay u baahan yihiin dadka ku nool deegaannada ay abaaruhu ku dhufteen.

Australia ayaa waxay horay lacag dhan 15 milyan oo doollar ugu bixisay snnadkan 2014 dib u dhiska Soomaaliya, iyadoo sheegtay in kaalmadan ay qayb ka tahay caawinta Soomaaliya.

Deeqdan lacagta ah ee ay ku dhawaaqday dowladda Australia ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli ay Qaramada Midoobay sheegtay in malaayiin qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo oo deg-deg ah, kaddib ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha ka jira qaybo Somalia ka mid ah.

“Kaalmadan waxay qayb ka tahay gurmadka abaaraha Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay qayb ka noqonaysaa dhaqaalihii aan horay ugu bixinnay dib u dhiska dalka Soomaaliya oo muddo labaatan sano ka badan ay colaado ka taagnaayeen,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay dowladda Australia.

Sidoo kale, dowladda Australia ayaa waxay ka mid tahay dalalka dhaqaalaha ku taageera howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaasoo dowladda ka caawinaya sidii ay ugu suurogeli lahayd inay koontaroosho dhul badan oo ku jira gacanta xoogagga Al-shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxay dhawaan kala wareegeen Al-shabaab deegaanno badan oo ay horay uga talinaysay, iyadoo la sheegay in dagaalka uu qayb ka yahay sidii lagu furi lahaa jidad la mariyo gargaarka bani’aadamnimo ee la gaarsiinayo deegaannada ay abaaruhu saameynta ku yeesheen.

Bishii Ogoosto 13-keedii ayay 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ee UN-ku booqasho ku yimaadeen Muqdisho, taasoo ay ugu kuurgalayeen amniga iyo horumarrada dhinaca siyaasadda ah ee ay gaartay dowladda Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya