4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 10, 2014
Dowladda Kuwait oo Mashaariic Horumarineed ay ka hirgalinaysa Soomaaliya

Arbaco, September 10, 2014 (HOL) — Wasiirka qorshaynta iyo xirriika caalamiga ah ee dowladda Somalia Saciid Cabdulahi Maxamed ayaa amaanay kaalinta dowladda Kuwait ay ku leedahay ururka carabta ee ku aadan horumarinta danaha guud ee gobolka.

Mar uu booqasho ku tagay wasiirka machadka Arab Planning Institute (API) ee dalkas ayuu ka warbixiyay calaaqaadka dibmlumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Somaliya iyo Kuwait ,isaga oo soo hadal-qaaday mashaariicda horumarined ee Kuwayt ay ka waddo wadamada carabta qaarkod.

“Soomaaliya si gaar ah waxa ay uga faa’idaysatay mashaariicdaas,annaga oo meelo kala duwan u isticmaalnay “ ayuu yiri wasiirka oo la hadlayay wakaaladda wararka ee KUNA isaga oo  xusay in wada shaqayn joogta ah ay ka dhaxeyso labada dowladood.

“Kuwait waaa ubucada horumarineed ee maamulada Carabta ,waxaana ay ka shaqeeyaan ar danaha dowladaha Carabta “ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka oo tilmaamay in Somaliya ay u baahan-tahay kaalmo dhinac walba ah.

Guddoomiyaha machadka API Dr. Bader Malallah ayaa amaanay dadaalka dowladda Somaliya ee ku aadan horay u sii wadidda qorshe ay ka midaysan-yihiin wadamada ku jira ururka carabta ,isaga oo xusay in ay dhinacyo badan ka taageerayaan Somaliya sida tababarada shaqalaha dowladda.

Wadamada Carabta qaarkood ayaa wajahaya dhaqaalo  xumo daran  ,iyada oo loo sababaynayo dhaqaale bur-burka ka jira dunida,waxaana soconaya qorshayaal lagu doonayo in lagu dhimo baahida dowladahaas oo ururada Carabta ay iska kaashanayaan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]