4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 10, 2014
Xisbiga WADANI oo dhaliilay Kalimmad kasoo baxday Madaxweyne Siilaanyo

Arbaco, September 10, 2014 (HOL) — Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ayaa dhaliilay hadal kasoo baxday madaxweyne Siilaanyo oo ah wasiirka wasiiradda kaasoo ay sheegeen inuu noqon karo ra’isal wasaare cusub oo uu madaxweynuhu magacaabay.

Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Wadani Axmed Mumin Seed, ayaa sheegay in aan la qaadan Karin in madaxweynuhu warbaahinta horteedda ka yidhaa  wasiirka Madaxtooyadda inuu yahay Wasiirka Wasiiradda,isla markaana dastuur jabin ay tahay.

“Somaliland waa dal dimuqraadiyad ku dhisan  maadama oo madaxweynaha iyo madax weyne xigeenku si isku mida loo soo doorto oo midna midka kale aanu xilka ka qaadi Karin  madaxweyne Ahmed siilaanyo wuxuu ku dhawaaqay Ra’iisal wasaare (wasiirka wasiirada) kaas oo ahaa sharci daro, isla markaana xadgudub ku  aha dastuurka iyo shauruucada dalalka, islamarkaana ka hor imanaysa saami qaysbiga Somaliland ku soo caano maashay”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga Wadani Mr:Seed.

“Waxaan bulshada ugu baaqaya in ay codkooda iyo cududoodaba ay mideeyaan Xukun qarqooshka  ahna iska dulqaadan, Madaxweyne   siilaanyo iyo inta ka agdhawi dalkii way burburiyeen bariga dalka sidaad wada ogtihiin  waxaa dowlad ka samaystay  Cali khaliif Galaydh  xukumada Siilanyana  way   ku saaciday, galbeedkana waxa lagu khasbayaa  inuu samaysto maamul goboleed aanu rabin.

1.     Mar hadii salaadiintoodi  la dhaqaysan waayey
2.     Madaxwyne ku xigeenkiina xilkisii cid kale loo magacaabay”ayaa intaas la raaciyey.

Gudoomiye Seed oo sii ticraacaya hadalkii madaxweynah ka soo baxay waxa uu tidhi “Afka carabiga  waxaa lagu yidhaa Ra’iisal wasaare, Ingiriisigana Prime minister, Somaligana wasiirka wasiirada  ama wasiirka koobad  sidii madaxweynuhu ka shaaciyayey warbaahinta  wuxuu u magacaabay Xirsi xaaji Cali  Ra’iisal wasaare sharci daro ah loona baahan yahay in lagula xisaabtamo Madaxweynaha oo baarlamanka shacabka matalaan xilka kaga xayuubiyaan inta aanay bulshada gaadhin  in ay gacanta iskula tagaan”.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Somaliland ayaa dhawr cisho ka hor kulan uu la yeeshay Badhasaabyadda iyo maayarada dalka ay ka soo yeedhay isagoo leh wasiirka wasiiradda taas oo dad badan u qaateen inuu ula jeeddo wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali oo madaxweynaha kusoo dhoweeyey hadalkii uu u jeedin lahaa madaxdan, taas oo afka madaxweynaha mar kaliya ka soo baxday isagoo leh wasiirka wasiiradda, haseyeeshee ma kala cadda inuu madaxweynuhu kalmadaasi ku halmaamay iyo in kale, illaa hadana kama hadal.

Haseyeeshee xisbiga mucaaradka ah ee Wadani oo ka faa’iidaysanaya kalmadaasi madaxweynaha ka soo yeedhay ayaa  madaxweynaha ku dhaliilay inuu xil cusub u magaacabay wasiirka Madaxtooyadda.

Dadweynaha ayaa kalmadaasi ka soo yeedhay ku kala aragti duwan, iyagoo qaarkood xuseen in kalmadaasi si ku talogal ah uga soo bixin madaxweynaha, balse halkii uu wasiiradda ku odhan lahaa uu raaciyey wasirka wasiiradaasi, halka qaarkood sheegeen in kalmad kasta oo madaxweynaha ka soo baxdaa  sideedda loo qaadanayo, isla markana kalmadaasi afkiisa ka soo baxday.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland