4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 10, 2014
Siilaanyo oo Xariga ka jaray Qaadashadda Baasaboorka Cusub ee Somaliland


Arbaco, September 10, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa  si rasmiya u furay qaadashada Baasboorka Somaliland ee Cusub ee loo yaqaano E-passport-ka.

Madaxweynaha ayaa noqday qofkii ugu horeeyey ee qaata Baasaboorka Somaliland ee cusub,isla markaana xadhiga ka jaray xafiisyo cusub oo loogu tallogalay in lagu bixiyo E-passporkan cusub.

Munaasibad  balaadhan oo xarunta laanta socdaalka Somaliland lagu qabtay ayaa lagu soo bandhigay saddex Baasaboor oo cusub oo ay Somaliland yeelan doonto, waxaanu madaxweynuhu sheegay inay xukuumaddu ka go’antahay inay dalalka caalamka ka dhaadhiciso sidii loogu taggi karo.

Taliyaha ciidamadda laanta socdaalka ayaa sheegay in 26 dal ay u ballanqaadeen in lagu tagi karo,isla markaana ay dalalka kale ee caalamkana ka dhaadhicin doonaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Waran Cadde ayaa sheegay in Passporkan cusub ka kooban yihiin saddex nooc oo kala ah passporka Diplomat-ka, Passporka Shaqaalaha dawladda iyo Passporka dadka caadiga ah.

“Talaabadan maanta la qaaday waa mid horumar u ah Somaliland, Insha Allah waxaan rajaynayaa in lagu guulaysto oo dadkeena iyo dalkeenana anfacda, waxaanan leeyahay hambalyo cidkasta oo ka hawl gashay arintaasi” ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka hadlayey furista dal ku galkan cusub ee ay Somaliland samaysatay.

Basboorkan cusub ayaa lagu bedelayaa kii hore ee Somaliland, waxaana  hore loogu tagi jiray dalal kooban, haseyeeshee waxay madaxdu sheegeen in passporkan cusub ogolaadeen dalal kale oo badan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland