4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 10, 2014
DANJIRE KAY: "Siyaasiyiintu Waa in ay Taageeraan Maamulka Saddex Gobol"


Arbaco, September 10, 2014 (HOL) — Ergeyga Qaramada Midoobay ee Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa ugu baaqay siyaasadda Koonfur-galbeed Soomaaliya inay ka qayb-qaataan dhismaha maamulka KMG ah ee saddexda gobol ee abaabulkiisu uu ka socdo Baydhabo.

Danjire Kay oo dhawaan booqday magaalada Baydhabo ayaa kulammo kala duwan la yeeshay guddoomiyaha barlamaanka, wafdiga dowladda ee halkaa ku sugan iyo waxgaradka, isagoo kala hadlay xaaladda magaalada iyo sidii loo taageeri lahaa maamul u sameynta howsheedu socoto.

“Waxaan ugu baaqayaa kuwa bannaanka ka ah qorshaha lagu dhisayo maamul ay yeeshan gobollada Koonfurta Soomaaliya inay taageeraan heshiiskii Muqdisho lagu gaaray ayna gacan ka geystaan sidii loo dhisi lahaa maamulkan oo qayb ka ah habka federaalka Soomaliya,” ayuu yiri danjire Kay.

Wakiilka ayaa ku taliyaya in maamulka ay yeelanayaan saddexda gobol ee kala Bay, Bakool iyo Shabeellad Hoose inay faa’iido badan ugu jirto dadka ku nool gobolladaas, ayna qayb uga qaadan karaan habka federaalka ah ee la doonayo in dalka laga hirgeliyo.

Mudane Kay ayaa sheegay in looga baahan yahay siyaasiyiinta gobollada maamulka loo sameynayo inay ka fogaadaan wax walba oo carqalad u keeni kara sidii loo aasaasi lahaa maamulka saddexda gobol ka kooban.

Nicholas Kay ayaa sidoo kale ku baaqay in la taageero dowladda federalka Soomaaliya iyo qorshaha lagu dhisayo nabada, dhismaha maamulada dalka laga hirgelinayo iyo sidii dib u eegis loogu samayn lahaa dastuurka si 2016-ka loo qaybto doorasho xor ah.

Inkastoo ergaygu uu ku baaqay in la taageero maammlka saddexda gobol ayaa haddana waxaa xubnihii horay u dhisay maamulka lixda gobol ee ku sugan ay si weyn uga soo horjeedaan dhismaha maamulkan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya