4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 10, 2014
Howlgallo saaka ka socda xaafado ka tirsan xarunta Soomaaliya ee Muqdisho


Arbaco, September 10, 2014 (HOL) — Ciidanka amniga dowladda Soomaaliya ayaa saaka howlgallo baaritaanno ah kawada waddooyinka waaweyn ee xarunta Soomaaliya, iyagoo baaritaanno ku sameynaya dadka iyo gaadiidka.

Howlgalladan oo xalay ayaa ciidamada waxay waxay baarayaan gaadiidka sida gaarka ah loo leeyahay iyo kuwa dadweynaha, iyadoo howlgalladan ay u muuqdaan kuwo ka xoog badan kuwii ay horay u sameyn jireen ciidanka amniga dowladda Soomaaliya.

Waddooyinka ay howlgallada kawadaan waxaa ka mid ah isgoyska Banaadir, kan KM-4, iyo wadada dheer tagta madaxtooyada Soomaaliya, halkaasoo ay tuban yihiin gaadiid fara badan oo baaritaanno lagu sameynayo.

Dadweynaha la socda gaadiidka ka shaqeeya magaalada ayaa iyagana si aad ah loo baarayaa, iyadoo xitaa dadka jidadka maraya qaarkood baaritaanno lagu sameynayo.

“Gaari walba iyo dadka saaran ayaa la baarayaa, baaritaankan wuxuu aad uga duwan yihiin kuwii hore, ciidamadu waxay u muuqdaan inay dadka si gaar ah u eegayaan,” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii baaritaannada lagu sameyay ee la socday gaadiidka dadweynaha.

Howlgalladan ayaa imaanaya iyadoo shalay uu qarax aan khasaare geysan ka dhacay inta u dhexeysa isgoyska Banaadir iyo isbitalka Madiina, kaasoo lala eegtay gaari ay wateen ciidamada dowladda, balse uusan khasaare ka soo gaarin.

Dhawaan ayay ahayd markii wasaarada Amniga Qaranka ay ka digtay weerar aargudasho ah oo ay Al-shabaab ka geysan karto Muqdisho, iyadoo waddooyinka caasimadda saaka lagu arkayo ciidammo fara badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya