4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 1 , 2014
Kulan diimeedkii 14-aad ee Minneapolis oo lasoo Gaba-gabeeyay (SAWIRRO)


Isniin, September 01, 2014 (HOL) — Kulankii 14-aad oo sannad walba xilligan oo kale lagu qabto magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa xalay lasoo gabagabeeyay, kaasoo socday muddo saddex maalmood, waxaana ka qayb-galay culummo fara badan oo isugu jiray Soomaali iyo ajnabi.

Mu’tamarkan oo billowday Jimcaha aynu soo dhaafnay ayaa lasoo gunaanaday habeenkii xalay ahaa, iyadoo kulan diimeedkan sannad walba lagu qabto magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Kulan diimeedkan ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay masjidka Abubakar As-sadiiq iyo golaha imaamyada Waqooyiga Maraykanka, iyadoo la jeediyay saddexdii casho ee uu socday muxaadarooyin iyo duruus kala duwan oo Islaami ah.

Imaamyada casharrada iyo muxaadarooyinka ka jeediyay qaarkood ayaa waxay ka socdeen dalka Ingiriiska, Norway, Saudi Arabia, Finland iyo kuwo ka yimid gobollada Marekanka.

Culummada ayaa waxaa ka mid ahaa, Sheekh Maxamed Idris, Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar, Sheekh Maxamed C. Shuceyb, Sheekh C/risaaq Xaashi, Sheekh Aadan Cabdulle, Sheekh Yussuf Aadan, Sheekh Khadar Jamac, Sheekh Dr. C/weli Xaaji M. Yuusuf oo ka yimi Finland, Sheekh Maxamed Aadan oo ka yimid Ingiriiska iyo culummo kale oo fara badan.

Kulan diimeedka sannadkan ayaa wuxuu ugu duwanaa kuwii ka horreeyay in xoogga la saaray dhallinyarada iyo sidii looga haqab-tiri lahaa su’aalah ay is-weydiinayaan ee ku saabsan diintooda.

Si arrintaas loo xaqiijiyo, waxaa la casumay culummo ku hadasha afka Ingiriiska oo ay dhallinyarada Mareykanka ku nool si aad ah u daneynayeen, waxaana ka mid ahaa; Sheekh Kariim Abu Zeid, Imam Abdul-Malik, Sheekh Cukaashe Al-kamiini, Sheekh Shadiid iyo kuwo kale. Intaa oo keliya kuma ekeyn waxyaabaha kulanka sannadkan uu uga duwanaa sannadihii hore.

Mu’tamarka sannadkan waxyaabaha kale ee lagu soo kordhiyay sannadkan waxaa ka mid ahaa tartanka ciyaaraha kubadda cagta iyo midda kolayga oo aad u xiiso badnaa. Sidoo kale waxaa la keenay fardo iyo waxyaabo kale oo carruurtu maaweelo fiican u ahaa.

“Waxaanu ugu talo-galnay in kulankan aanu dar-dar-gelinno oo aan dhallinyarada si gaar ah ugu sameyno waxyaabaha gaarka ah ee ay xiiseeyaan sida sida ciyaaraha iyo kuwo kale oo maaweelooyin ah si aanay meel kale u aadin inta mu’tamarku uu socdo,” ayuu yiri C/raxamaan Xiddig oo sannadkan lagu maamuusay in mu’tamarka uu isagu hoggaamiyo.

Kulankan oo aalaaba lagu aadiyo xilliyada fasaxyada iyo dabaal-dagyadu ay jiraan ayaa muhiimadda ugu weyn ee loo qabtay waxay ahayd in culumadu ay gaarsiiyaan diinta ummadda Soomaaliyeed ee qurbo-joogta ah iyo waliba culumada oo ka tashatay aayaha ummadaan Soomaliyeed iyo mustaqbalka meesha ay ku dambeyn doonaan.

Si kastaba ha ahaatee, dadkii kasoo qayb-galay kulan diimeedkan 14-aad ee Minneapolis waxay u badnaayeen jaaliyadda Afikada Bari ee gobolkan degen sida Soomaalida iyo Oromada, waxaana si weyn u camirnaa hoolalka lagu bixinayay muxaadarooyinka afka Ingiriiska ku baxayay oo dhallinyaradu ay si wanaagsan u soo xaadireen, iyadoo taasi ay dhalisay in la is-weydiiyo sababta da’yartu ay uga jecel yihiin af Somaaliga afafka qalaad, iyadoo lasoo jeediyay in dhallinyarada lagu hago luuqaddooda.

Mu’tamarkan ayaa la billaabay sannadkii 2001-dii, iyadoo culummadii kasoo qayb-gashay sannadkaas ay ka mid ahaayeen; Sheekh Maxamed Cismaan iyo Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun, waxaana lagu qabtay xarunta weyn ee GYM ka ee YWMC, kaddib markii ay caqabad noqotay in la helo hoolal ka waaweyn.

Kulankan 14-aad ayaa habeenkii Isniintu soo galaysay ee xalay lasoo xiray, waxaana laga akhriyay bayaan ay culummaddu wadajir u soo saareen kasoo taabanayay dhinacyo badan, iyadoo lagu soo khatimay Suaalo iyo Jawaabo, dar-daaran, Qur’aan akhris iyo duco.  

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota