4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 1 , 2014
Jeneraal Jidhif iyo Mucaaradka Somaliland oo ka Hadlay Dagaalkii Saaxdheer

Isniin, September 01, 2014 (HOL) — Taliyihii hore ee ciidamada Milatariga Somaliland, Jen. Maxamed Xasan C/llaahi (Jidhif), ayaa sheegay in ciidanka Militarigu xaq u leeyihiin inay sugaan xadka Somaliland, isla markaana beesha caalamka ku dhaliilay inay indhaha iska tirayaan.

Taliyihii hore ee Ciidanka Militariga Somaliland oo maanta la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in xeerka Caalamka iyo ka Somalilandba sheegayo in la difaaco xuduudda, isla markaana waajib ku tahay madaxweynuhu inuu talaabo qaaddo.

“Marka aan Daliishado, Siyaasada, Diblomaasiyada iyo Distoorka Somaliland, Hadii Lagu Soo Duulay Qaranimadii Somaliland Madaxweynuhu wuxuu Xaq Distoori ah u leeyahay Inuu Difaaco Qaranimada, waayo waa taliyaha guud ciidamada qaranka Somaliland, Saaxdheer ha noqoto, Buhoodle ha noqoto, Laascaanood ha noqoto, Hargeysa ha noqto, Gabiley ha noqto, waa qaranimadii Somaliland (territorial integrity) haddii xadka lagu soo duulo difaac baa loo baahan yahay”ayuu yidhi Taliyihii hore ciidanka Milatariga Somaliland Jidhif.

Waxaanu intaas ku daray “Sidaad la socotaan Soomaalida waxa qaybsaday saddex wadan oo reer Yurub ah, Djibouti oo Faransiisku qabsaday, Somaliland oo Ingiriisku qabsaday iyo Somalia oo Talyaaniga guumaystay ,taasi waxay u muuqataan in Somalia aanay ogolayn xadka ay Ingiriiska iyo Talyaanigu kala dhigteen, waxaan u arkaa talaabada Somaliland qaaday mid xaq ah oo difaacaysa qaranimada”. .

Jen. Maxamed Xasan Jidhif oo ka hadlayey baaqa ka soo yeedhay  Beesha Caalamka waxa uu yidhi “Runtii waxay iila muuqataa dhaliil xageena ah, dadkan aynu shaqooyinka wada leenahay ilayn Jamhuuriyad baynu nahaye oo waxa aynu ku doodaynaa 26-kii June 1960-kii ayaanu xornimadii qaadanay Ingiriiska ayaanu ka qaadanay, Ingiriisku Talyaaniga xadbuu la samaystay xadkii anagu maanu dhaafin, Jamhuuriyada Djibouti xadka aanu la leenahay wax dhibaato ahi nagama haystaan, Ethiopia xadka aanu la leenahayna wax dhibato nagama haystaan. Markaa Beesha Caalamka ma aqoondaraa haysata mise iyagaa iska indha-tiraya xaqiiqada Somaliland ka jirta.”

Dhinaca kale, xisbiyadda Qaranka ayaa iyaguna dhaliilay baaqyadda beesha caalamku ka soo saareen in ciidanka Somaliland ka baxaan Tuuladda Saax, kuwaas oo ay ku tilmaameen inay tahay in sharciyadda xuduuddaha caalamka ka hor imanaysa.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ayaa sheegay inuu ciidanka ku taageerayo inay sugaan xadka Somaliland.

Sidoo kale, Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Mucaaradka ee UCID  Cali Yuusuf (Cali Gurey) ayaa isna ciidanka ku taageeray talaabadaasi ay qaadeen.

Si kastaba ha ahaatee, jawaabaha ay siyaasiyiinta iyo xisbiyaddu kaga hadlayaan dhowaaqii ka soo yeedhay beesha caalamka ayaa isa soo taraya, kuwaas oo khalad ku tilmaamay baaqaasi ka soo baxay beesha caalamka ee ay Somaliland kaga dalbanayeen inay ciidankeedda ka soo saarto deegaankii dagaalku ka dhacay ee Saax dheer.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland