4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 1 , 2014
AMISOM: Ciidamada Isbahaysanaya Waxay la Wareegeen Deegaanno badan

Isniin, September 01, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo howlgallo wadajir ah ka billaabay gobollada dalka qaarkood ayaa waxay la wareegeen deegaanno badan oo ku yaalla gobollada Shabeellada dhexe iyo Hiiraan, sidaas waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saartay AMISOM.

War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay haatan ku wajahan yihiin degmada Jalalaqsi oo ka mid ah degmooyinka gobolka Hiiraan oo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

“Maalin ka hor ciidamada huwanta ah waxay la wareegeen deegaanno ay ka mid yihiin Dhiin-garas oo isku xiraysay gobolka Shabeellada dhexe iyo halka lagu magacaabo Killiga Shiinaha, waxaana la wareegeen ciidamadu deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan oo lagu magacaabo Fiidoow,” ayuu warka AMISOM ay soo saartay lagu sheegay.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM aysan la kulmin wax iska-caabin ah oo kaga timid Al-shabaab ayna xoogagga Shabaab isaga cararayeen deegaan walba oo ay ciidamadu u dhaqaaqaan jihadiisa.

“Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi wuxuu sheegay in howlgalladu ay socon doonaan illaa kooxda Al-shabaab laga saarayo deegaannad ay haystaan oo dhan,” ayaa lagu yiri warka AMISOM.

Taliyaha qaybta shanaad ee ciidamada AMISOM, Col. Ndayambaje Reverien ayaa sheegay in meesha ugu muhiimsan ee ay ciidamadu beegsanayaan ay tahay degmada Jalalaqsi oo ka tirsan gobolka Hiiraan, halkaasoo Al-shabaab ay u isticmaasho saldhig ay kaga soo duulaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee gobolkaas ku sugan.

“Waanu ku faraxsannahay inaan dowladda Soomaaliya ka caawinno sidii ay dib ugu hanan lahayd gobollada dalka iyo sidii ay u caawin lahayd shacabka ku nool, kuwaasoo qaba dhibaatooyin ay u geysteen madaxda Al-shabaab, una haystay shacabka sidii dad maxaabiis ah. Dadweynaha deegaannada way soo dhaweeyeen howlgalladan si looga xoreeyo argagaxisada,” ayuu yiri Col. Reverien oo u dhashay dalka Burundi.

Dhanka kale, ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM waxay shalay xoreeyeen degmada Kurtun-waarey oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ka mid ahay goobaha ay ka taliso Al-shabaab, sidoo kalena waxaa kooxdan laga saaray deegaanno kale oo ay awood ku lahaayeen, sida lagu yiri warka AMISOM ay soo saartay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya