4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 1 , 2014
Madaxweyne Xasan oo tagay Kenya kana Qayb-galaya shir berri ka Furmaya

Isniin, September 01, 2014 (HOL) — Madxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo uu uga qaybgeli doono shir looga hadlayo arrimaha argigixisada oo hogaamiyayaasha Afrika ay kasoo qaybgalayaan.

Shirkan ayaa furmi doona maalinta berry ah, iyadoo wafdiga Soomaaliya uga qaybgalaya ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibadda, C/raxmaan Ducaale Bayle iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan.

“Kulankan waxaa looga hadlayaa la dagaalanka argagixisada iyo sidii hoggaamiyeyaasha Afrika ay uga qayb-qaadan lahaayeen sidii argagixisada loo cirib tiri lahaa; si loo joojiyo dhibaatooyin ay ku haya bulshada Qaaradda,” ayuu yiri danjire Cali Ameeriko oo ka hadlayay qodobbada shirkaan looga hadli doono.

Danjiraha Somalia ee Kenya ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha iyo wafdigiisa ay kasoo laabteen dalka Turkiga, halkaasoo ay uga qayb-galeen xafladdii caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Turkiga Erdoğan.

Booqashada madaxweynaha Somalia uu ku tagay Kenya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu jiro muran xooggan oo u dhexeeya labada wadan, kaasoo ku saabsan xuduudaha badda.

Somalia ayaa dhawaan dacwad arrintaas ka dhan ah u gudbisay maxkamad ay leedahay Qaramada Midoobay si ay murankan xal uga gaarto, iyadoo ay dowladda Soomaaliya ku eedeysay Kenya inay xadkeedii kasoo gudubtay.

Lama oga in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo kan Kenya, Uhuru Kenyatta ay kawada hadli doonaan arrintan, iyadoo xiisadda arrintan ka dhalatay ay meel sare labada dowladood ka gaartay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya