4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 1 , 2014
Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baydhabo


Isniin, September 01, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ahna ku simaha madaxweynaha, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Baydhabo iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga guddoomiyaha baarlamaanka oo ay ku jireen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo kusoo dhaweeyay wasiirro horay u joogay Baydhabo, waxgarad, saraakiisha AMISOM, siyaasiyiin, haween iyo qaybaha bulshada, isagoo salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Soomaaliya.

Prof. Jawaari ayaa soo dhaweynta kaddib kulan la qaatay qaybaha bulshada iyadoo kulanka ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha guddiga farsamada ee ay xukuumaddu u magacawday maamul u sameynta gobollada Koonfureed ee dalka.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaarraha, Khaalid Cumar Cali oo magaca guddiga ku hadlayay ayaa kaga mahadceliyay shacabka iyo maamulka sida ay guddigooda u soo dhaweeyeen, isla markaana ula shaqeeyeen.

Gudoomiyaha baarlamaanka oo khudbad ka jeediyay kulanka ka hadlay waxa laga dhowrayo shacabka gobolladan oo ah inay aayahooda ka tashadaan, isla markaana isku raacaan sidii ay u sameysan lahaayeen hal maamul oo ay ku mideysan yihiin, taasoo uu sheegay inay Soomaalida oo dhan ka dhur-sugayso.

Ugu dambeyntii Jawaari ayaa kula dardaarmay shacabka gobollada maamulka loo sameynayo inay mar walba ilaaliyaan ammaankooda iyo isku duubnidooda, isagoo xusuusiyay in mar walba ay ogaadaan kaalinta ay ku lahaayeen jiritaanka iyo xoojinta qarannimada Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya