4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 1 , 2014
Shirkad duulimaad oo lagu magacaabo SOM AIR oo Muqdisho laga Hirgeliyay


Isniin, September 01, 2014 (HOL) — Shirkadda duullimaadka ee SOM AIR ayaa maanta ka furatay Muqdisho xafiis, iyadoo xafladd furitaanka shirkaddan duullimaad ay ka qayb-galeen wasiirro iyo xidlhibaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Munasabadda furitaanka shirkaddan ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay dadweyne badan, ganacsato iyo waxgarad, waxaana hadallo ay jeediyeen ay ku sheegeen in loo baahan yahay in la kordhiyo shirkadaha duullimaadyada ee dalka ka shaqeynaya maadaama ay dad badan dalka kusoo noqonayaan.

Shirkaddan duulimaad ee SOM AIR ayaa waxaa iska leh ganacsato Somali ah, waxayna duullimaadyo ku tegi doontaa dalalka  Afrika iyo qaar ka mid ah Yurub, iyadoo xafiisyo ku leh guud ahaan gobollada  dalka iyo qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika, sida ay goobta ka sheegeen mas’uuliyiinta shirkadda.

“Waxaanu rajeynaynaa in shirkaddan ay dabooli doonto baahida loo qabo duulimaadyada ay u baahan yihiin shacabka Soomaaliyeed, waxayna si rasmi ah u shaqo billaabi doontaa afarta bishan September,” ayuu yiri Axmed Shukri oo ah maamulka shirkaddan.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo isna ka hadlay munaasabadda furitaanka xafiiska shirkaddan ee Muqdisho ayaa ku tilmaamay shirkadda inay tahay wax  lagu farxo isla markaana ay dowladdu dhiirri-gelin doonto shirkadaha ganacsiga.

Ugu dambeyn,wasiirka ayaa u rajeeyay shirkadaha duulimaadka ee SOM AIR oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed inay noqdaan kuwo la tartan adag la gala shirkdaha caalamiga ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya