4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 1 , 2014
Danjire Ameeriko oo soo dhaweeyay in la Qab-qabto kuwa dhibka geysanaya


Isniin, September 01, 2014 (HOL) — Danjiraha Somalia ee Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa sheegay  inuu soo dhaweynaayo howlgalka ay ciidamada Kenya ka wadaan xaafadda Islii ee Nairobi oo ay Soomaali badan deggen yihiin, halkaasoo ay ka socdaan howlgallo lagu qabqabanayo dhallinyaro Soomaaliyeed ee la magac baxay Super Power, kuwaasoo lagu eedeeyo inay falal dhibaatooyin ah ka geystaan xaafadaas.

Mudane Ameeriko oo xalay la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya ku nool shir wadatashi ahaa ayaa xusay iuu soo dhaweynayo in laga qabto cid walba dhibaato ku hayso dalkan.

“Waxaan taageereynaa in shacabka Soomaaliyeed ay si nabad ah Kenya ugu noolaadaan, isla markaasna laga qabto dhalinyarada Islii dhibaatadda ka sameyneyo,” ayuu danjihuhu yiri.

Danjiraha ayaa intaas ku daray inuu kula kulmay xaafada Islii gabdho Soomaaliyeed oo ay xoogeen dhalinyaro Somali ah, taasoo uu ku tilmaamay arrin aad looga xumaado, wuxuuna ugu baaqay dowlada Kenya iney si dhaqso ah wax oga qabato dhibaatada Islii; asagoona ku amaanay mudanaha laga soo doortay degmada Kamukunji Yusuf Hassan dadaalada dheeraadka ah ee uu muujiyay intii uu xilka haayay.

Sidoo kale, madaxa amniga xaafadda Eastleigh (Islii), Axmed Maxamed (Axmed Security) ayaa uga mahad-celiyay safiirka booqashada uu Islii ku yimid, wuxuuna sheegay in howl-galka lagu baacsanaayo kooxaha Islii ka jira uu meel wanaagsan maraayo.

“Islii hadda ammaan ahaan waxay dhaantii sidii ay ahayd bilihii laga soo gudbay, waxaana la keenay ciidammo fara badan oo qab-qabtay qaar ka tirsan kooxihii dhallinyarada ahaa ee dhibka ka waday xaafadda,” ayuu yiri Axmed oo ka codsaday dadka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si looga gudbo dhibaatada xaafadda ka jirta.

Taliye ku xigeenka saldhiga booliiska Bangani, Meshack Melayani oo isagana ka hadlay kulanka ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan howlgallo isbuucii lasoo dhaafay ka billowday xaafada Islii, wuxuuna ballan-qaaday in howl-galladaas ay socon doontaan inta laga ciribtirayo kooxaha dhallinyarada ah ee la baxay magacyada kala duwan ee ka jira Islii. Sidoo kale wuxuuna sheegay in qaar ka mid ah dhallinyaradaas ay qabteen halka kuwa kalena ay wali ku raad joogaan.

Xaafada Islii, ayaa waxaa ganacsi xoogan ku leh Soomaalida ku dhaqan Kenya, waxaana sannadihii lasoo dhaafay ka jiray dhibaatooyin kala duwan oo ay sameynayeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo la baxay magacyo kala duwan balse hoos taga koox lagu magacaabo Super Power, kuwaasoo inta badan xilliyada habeenkii ah dadka ku baarto tooreeyo, mararka qaar waxaa dhaco dagaallo u dhaxeeyo kooxahaas oo ay dad isaga dilaan.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]  
Nairobi – Kenya