4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 1 , 2014
Dhaqaalaha uu Waddanka Tanzania ka helo Dalxiisayaasha oo aad u Kordhay


Isniin, September 01, 2014 (HOL) — Tirada dalxiisayaasha soo booqanaya dalka Tanzania ayaa lagu wadaa in ay laba jibaaranto sedexda sano ee soo socota ,iyadoo oo la filayo in ay gaarto 2-Milyan oo ruux sanadka 2017-ka.

Dowladdu waxa ay rajeynaysaa in dalkan ay yimaadaan dalxiisayaal badan xiliga aan qorshaynnay,“ ayay tiri Devota Mdachi oo ah ku simaha guddomiyaha waaxda dalkxiiska ee Tanzania oo la hadlaysay wakaaladda Reuters.

“Iyadoo la eegayo diyaaradaha caalamiga ah ee halkan imaanaya, hurmarka dhinaca dhismaha iyo maalgashiga ayaan oran karnaa sabab wey u yihiin dalxiisayaashu in ay  kordhaan “ayey hadalkeeda ku dartay, iyadoo xustay in qorshahan la gaari karo.

Tirada dalxiisayaasha ajnabiga ah ayaa 24% korortay sanadkii 2012-ka, iyado oo sanadkii la soo dhaafay ay dowladdu faa’idday lacag dhan 1.095 million,waxaana dalxiisayashan ay badankood ka imaanayaan dalalka kala ah Jarmalka ,Maraykanka iyo waliba Ingiriiska.

Waxaa kororka arintan loo sababaynayaa  hoos u dhaca ku yimid dalxiiskii Kenya sababo la xiriira weerarro joogto ah oo bilihii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada caasimadda ah ee Nairobi iyo waliba meelaha kale ee loo dalxiis tago.

Ugu danbayntii waxaa cabsida kaliya ee hadda jirta a tahay cudurka Ebola oo ka dilaacay dalalka ku yaalla galbeedka Afrika,waxaana sii kordhaya digniinaha loo jeedinayo dadka dalxiisayaasha ah ee ku aadan qatarta cudurkan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]