4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 1 , 2014
JEN. QAAFOOW: Ciidanka Dowladda waxay ku dhow yihiin degmada Jalalaqsi

Isniin, September 01, 2014 (HOL) — Taliyaha qaybta 12-ka Abriil ee ciidamada xoogga dalka, Jen. Maxamuud Maxamed Xasan (Qaafoow) oo ku sugan deegaanka Fiidoow ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay qarka u saaran yihiin degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Jen. Qaafoow ayaa xusay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku jiraan diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee ay ku qabsan lahaayeen Jalalaqsi, isagoo xusay inaanay jirin wax iska-horimaadyo ah oo ay kala kulmeen Al-shabaab tan iyo markii ay howlgallada ka billaabeen gobolka Shabeellada dhexe.

“Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxay qarka u saaran yihiin degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, haddana waxaan ku sugannahay deegaanka Fiidoow,” ayuu yiri Jen. Qaafoow oo u warramayay VOA-da.

Taliyaha intaas ku daray in qorshahoodu uu yahay in Al-shabaab ay ka saaraan dhammaan deegaannada ay dalka kaga sugan yihiin, isagoo xusay in howlgallada ay ka socdaan gobollada Shabeellada dhexe iyo Shabeellada Hoose ayna u gudbi doonaan gobollada kale ee dalka.

“Degmada Jalalaqsi waxay hadda noo jirtaa 25-km, waxaana ku rajo weynnahay in sida ugu dhaqsiyaha badan aan ku gaarno,” ayuu hadalkiisa daba-dhigay taliyaha qaybta 12-ka Abriil ee xoogga dalka.

Mar la weydiiyay su’aal ahayd jihada ay ka yimaadeen, ayuu sheegay inay ku yimaadeen laba jiho ayaan ku soconnaa mid waan tan bariga oo aanu rabno inaan Jalalaqsi ka galno, midna waa midda waddada dheer ku baxda, waxaana qorshaheennu yahay inaan marbana gefin inaan galno Jalalaqsi.

“Ciidamada iyo qalabka aan wadanno ma ahan kuwo la hor-istaagi karo, waa ciidammo tababar wanaagsan qaba, aadna u yaqaanna deegaanka,” ayuu mar kale yiri Jen. Qaafoow.

Sidoo kale, mar la weydiiyay halka ay aadeen xoogaggii Al-shabaab ee horay ugu sugnaa deegaannada ay la wareegeen ayaa sheegay inay qaar ka mid ah aadeen dhinaca bariga, halka kuwo kalena ay aadeen dhinaca galbeed.

Ugu dambeyn, taliyaha qaybta 12-ka Abriil ee xoogga dalka ayaa sheegay inuu la socdo guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe, Cali Guud-laawe oo qayb ka ah hoggaanka ciidamada xoogga dalka ee dagaalka ku jira.

Deegaannadii ay soo qabsadeen ayuu sheegay inay wanaagsan yihiin, ayna ugu baaqayaan dowladda Soomaaliya uu ugu baaqayo inay raashin iyo biyo lasoo gaaraan shacabka deegaannadaas ku nool, sidoo kalena wasaaradda Amniga ay ugu baaqayaa inay ciidamada nabadgalyada keento deegaannada ay ciidamadu la wareegeen si amniga loo adkeeyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya