4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 1 , 2014
Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Sheegay in uu Hagaajinayo Amniga Dalkiisa


Isniin, September 01, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa ballanqaaday inuu wax ka qaban doono ammaanka dalkiisa, gaar ahaan deegaannada ku yaalla xeebaha ee dalxiiska loo tago.

Uhuru oo ka hadlayay Mombasa ayaa sheegay in dalxiisayaasha iyo dadka u dhashay Kenya ee doonaya inay tagaan goobaha dalxiiska ku wanaagsan ee Kenya ay heli doonaan nabadgalyo la hubo.

“Waxaan adkeyn doonnaa ammaanka Kenya si ay dalxiisayaashu fursado ugu helaan inay meel walba oo dalka ah maraan,” ayuu yiri Kenyatta oo uu hadalkiisa u muuqday mid ay caro ka buuxdo.

Dalka Kenya ayaa tan iyo bishii September ee sannadkii 2011 waxaan iman dalxiisayaal, kaddib markii xoogagga Al-shabaab ee Soomaaliya ay weerarro ku qaadeen dalkaas, sidoo kalena ay afduubeen shaqaale gargaar iyo dad u tagay Kenya dalxiis.

Sidoo kale, Kenya ayaa waxaa sannadihii u dambeeyay ka taagnaa qaraxyo iyo weerarro ay geysanayaan kooxo hubeysan, kuwaasoo ay ku jiraan kuwii lagu qaaday dhismaha Westgate ee Nairobi iyo deegaanka Mpeketoni oo ka tirsan deegaanka Laamu ee dalka Kenya.

Mas’uuliyadda weerarradaas ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab, waxaana ku dhintay 150-qof oo ay ku jireen askar ka tirsan ciidamada Kenya, waxaana sidoo kale ku baaba’ay hanti kala duwan.

Dhaqaalaha ay ka heli jirtay Kenya dalxiiska ayaa la sheegay inuu sannadkii 2013-kii ahaa 1.58%, halka uu maanta ka yahay 1.49 milyan oo doollar oo keliya, iyadoo sannadba kan ka dambeeya uu hoos u sii dhacayay.

Hoos u dhacan ku yimid dalxiisayaashii Kenya imaan jiray ayaa lagu sheegay weerarrada ay kooxaha hubeysan ka geysnayaan dalkaas, iyadoo dalal badan oo reer galbeed ay muwaadiniintooda uga digeen inay booqdaan Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya