4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 1 , 2014
Baydhabo oo lagu Doortay Guddoomiye Cusub oo Baarlamaan (SAWIRRADA)


Isniin, September 01, 2014 (HOL) — Waxaa maanta xarunta ADC ee Baydhabo oo xarun u ah maamulka lixda gobol ee Koonfur-galbeed lagu doortay guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaas.

Xilkan ayaa waxaa u tartamay laba murashax oo kala ah: Cumar Aadan Xasan (Cumar dheere) iyo Xaaji Cali Xasan Isaaq, iyadoo doorashada uu ku guuleystay Cumar Dheere oo noqday guddoomiyaha baarlamaanka maamulka lixda gobol.

Doorashada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubnaha baarlamaanka maammulkan, golaha guurtida iyo wasiirrada maamulkas, iyadoo goobta ay ku sugnaayeen qaybaha bulshada iyo waxgaradku kasoo qaybgaleen.

Mudanayaasha baarlamaanka ee codeeyay ayaa waxay tiradoodu ahayd 89-xubnood iyadoo Cumar dheere uu helay codadka 54-xubnood oo ka mid ahaa xildhibaannadii goobta ku sugnaa, halka Xaaji Cali Xassan uu heley 27 cod oo keliya, xubno kalena way ka aamuseen codeynta.

Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobol, Cumar Aadan Xasan (Cumar dheere) ayaa horay xilal kala duwan uga soo qabtay dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray, iyadoo isla goobtii lagu doortay lagu dhaariyay.

Dhanka kale, magaalada Baydhabo ayaa waxaa maanta ka jira isbedel weyn, iyadoo la xiray dhammaan waddooyinka waaweyn ee magaalada, iyadoo la sheegay inuu kusoo wajahan yahay magaalada guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Hiiraan Online, Baydhabo