4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 1 , 2014
Xukuumadda Soomaaliya oo Maanta Ansixisay Sharciga Saxaafadda Somalia


Isniin, September 01, 2014 (HOL) — Shir aan caadi ahayn oo ay maanta isugu yimaadeen golaha wasiirrada xukuumadda Somalia ayay ku ansxiyeen xeerka saxaafadda Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta, Mustaf Sheekh Cali (Dhuxuloow) ayaa warbaahinta u sheegay in in golaha wasiirradu ay dood adag ka yeesheen xeerka saxaafadda, ayna markaas kaddib si aqlabiyad ah ay u ansixiyeen.

“Maanta waxaa si aqlabiyad ay golaha wasiirradu ku meel-mariyeen hindise-sharciyeedka xeerka saxaafadda, wuxuuna soo maray isbedello badan oo si isku mid ah u ilaalin doona shaqaalaha warbaahinta iyo dadka caadiga ahba, kaasoo abuuri doona jawi warbaahineed oo xorr ah,” ayuu yiri Dhuxuloow.

Sidoo kale, Dhuxuloow wuxuu intaas ku daray in xoriyatul-qowlku asaasi u yahay calaamadaha shacabka xorta ah, saxaafadda xorta ahna ay laf-dhabar u tahay xoriyatul-qowlka.

Dhuxuwloow ayaa intaas ku daray inay warbixin ku aaddan amniga dalka ka dhagaysteen wasiirka Amniga Qaranka iyo wasiirka gaashaandhigga, isagoo sheegay in amniga dalka uu si weyn u soo hagaagayo kaddib markii howlgallo lagu adkeynayo ammaanka la qaaday, kuwasoo ay si wadajir ah isaga kaashanayan ciidamada amniga iyo shacabka Soomaaliyeed.

Warbaahinta Soomaaliya ayaa si weyn uga hadlayay dhawaanahan xeerka saxaafadda ee maanta la meel-mariyay, iyagoo sheegayay in qodobada qaar ay yihiin kuwo xadidaya madax-bannaanida saxaafadda.

Sharcigan ayaa dhaqan-galaya marka ay xildhibaannada baarlamaanka ay si la mid ah sidan u ansixiyaan, balse haddii kalsooni la siin waayo ay dhicayso in dib loogu soo celiyo xukuumadda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya