4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 1 , 2014
Guddoomiyaha baarlamanka & Wafdi uu horkacayo oo ku wajahan Baydhabo

Isniin, September 01, 2014 (HOL) — Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasoo ay dhawaanahan ka jireen xiisado ka dhashay maamul u sameynta gobollada Koonfurta Soomaaliya qaarkood.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda qaban-qaabo guddoomiyaha iyo wafdigiisa lagu soo dhaweynayo, iyadoo dhawaan uu uga baaqday safar uu ku tegi lahaa degmadaas ra’iisul wasaaraha dibadbaxyo ka dhacay awgood.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku wehlinaya Jawaari safarka uu ku tagayo degmada Baydhabo, iyadoo la sheegay in safarkoodan uu salka ku hayo sidii ay khilaafyada jira u soo xallin lahaayeen.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka lixda gobolka, Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay inay rajo ka qabaan in arrimaha ku saabsan muranka dhinaca maamul sameynta ah xal laga gaaro.

Wasiirro ka tirsan xukuumada Soomaaliya iyo guddi horay loogu saaray inay soo dhisaan maamul saddex gobol ah ayaa ku sugan magaaladaas, kuwaas oo shirar kala duwan la lahaa tan iyo bishii hore waxgaradka iyo shacabka degmadaas si ay uga dhaadhiciyaan qorshaha maamulka ay sameynayaan.

Si kastaba ha ahaatee, xubnaha maamulka lixda gobol ayaa weli diiddan in la dhiso maamul aan kooda ahayn, iyadoo tani ay culeys weyn saartay inay ku guuleystaan guddiga iyo wasiirrada Baydhabo ku sugan inay muddadii loogu talogalay kusoo dhisan maamulka saddexda gobol ka kooban.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya