4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 1 , 2014
Dagaallo culus ka dhacay degmad Qoryooleey ee Gobolka Shabeellada Hoose

Isniin, September 01, 2014 (HOL) — Degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa xalay ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab.

Wararka laga helayo degmada ayaa sheegay in dagaalku uu billowday kaddib markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerar culus ku qaadeen degmadaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada huwanta ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in la arkay maydad ka tirsan dhinacyadii dagaalamay.

“Xalay degmada waxaa ka dhacay dagaal culus, waxaana saakay arkay laba mayd ah oo ka mid ah dhinacyadii diriray, xaaladduna way daggan tahay,” ayuu yiri Maxamed Nuur oo ka mid ah dadka deegaanka.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo labadii casho ee lasoo dhaafay Al-shabaab laga qabsaday deegaanno ay awood badan ku lahaayeen oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo kooxduna ay wacad ku martay inay sii xoojin doonaan weerarrada ay la beegsanayaan ciidamada huwanta ah.

Ciidamada isbahaysanaya ee AMISOM iyo dowladda ayaa shalay gelinkii dambe kala wareegay Al-shabaab degmada Kutrun-waarey ee Shabeellada Hoose, halkaasoo ka mid ahay goobaha ay ka talin jirtay Al-shabaab.

Xukuumadda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa sheegay maalmo ka hor inay ka billowdeen gobollada dalka qaarkood howlgal ay ugu magac-dareen Badweynta Hidinya, kaasoo ay ku sheegeen inuu yahay mid ay Al-shabaab uga saarayaan deegaannada ay kaga sugan tahay dalka.

AMISOM iyo dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin dagaalkii xalay ka dhacay degmada Qoryooley, kaasoo si xiriir ah u socday muddo saacado ah, iyadoo xoogaggii Al-shabaab ay dagaalka kaddib isaga tageen halkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya