4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 9 , 2014
Xukuumadda oo sheegtay inay isi soo dhiibeen 503 xubnood oo Al-shabaab ah


Khamiis, Oktoobar 09, 2014 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Somalia ayaa shir ay maanta gellinkii dambe ku yeesheen Muqdisho ku meel-mariyay heshiis baarlamanka iyo golaha wasiirrada xukuumadda u dhexeyn doona, iyadoo xukuumaddu ay sheegtay inay isi soo dhiibeen 503 xubnood oo Al-shabaab ka tirsnaa, ayna wadahadal kula jirto 153 kale.

Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh oo shir guddoominayay kulanka wasiirrada ay yeesheen ayaa sheegay in heshiiskan looga gol-leeyahay in la isla meel dhigo barnaamij sharci-dejineed si labada dhinac u fuliyaan hawlaha loo kala mudeeyayna lagu dhammaystiro.

“Heshiiskan wuxuu qeexayaa is-fahamka u dhexeeya golaha baarlamaanka Soomaaliya iyo kan wasiirrada dowladda, wuxuuna ku saabsan yahay sharci-dejinta kalfadhiga shanaad ee baarlamaanka, si loo xaqiijiyo isla-xisaabtanka iyo tayeynta hawl-qabad-dawladeed oo hufan, kana jawaabaya u adeeggidda danaha guud ee dadweynaha Soomaaliyeed,” ayuu yiri Cabdiweli Sheekh.

Afhayeenka xukuumadda, Ridwaan Xaaji C/weli oo warbahinta la hadlay kulanka kaddib ayaa isna sheegay in shirka wasiirrada looga dhageystay war-bixin wasaaaradda Amniga Qaranka, isla markaana lagu meel-mariyay hindise sharciyeedka khayraadka biyaha Somalia oo dhawaan la hor-keenay golaha wasiirrada si ay uga doodaan.

“Kulankii golaha wasiirrada waxaa looga hadlay amniga guud ee dalka iyo dadaallada ay xukuumaddu wado ee dhinaca amniga iyo howlgallada ka socda gobollada dalka. Sidoo kalana waxaa looga dooday shuruuc dhowr ah oo golaha horay loo horkeenay, waxaana la meel-mariyay hindise sharciyeedka khayraadka biyaha Somalia,” ayuu yiri Ridwan Xaji Cabdiweli.

Ugu danbeyn, afhayeenka ayaa sheegay in 45-tii maalmood ee xukuumaddu u qabatay inay isku soo dhiibaan si ay u helaan cafis dhallinyarada la qalday ee u dagaallamaya Al-shabaab ay ka faa’iidaysteen 503 ruux oo Al-shabaab ka tirsanaa, sidoo kalana xukuumadda waxay wadahadal kula jirtaa 153 kale oo ka tirsan Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya