4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 9 , 2014
Ergayga Midowga Afrika oo sheegay in la baarayo kufsigii loo geystay Haween Soomaaliyeed


Khamiis, Oktoobar 09, 2014 (HOL) — Ergayga Midowga Afirka isla markaana ah madaxa AMISOM, danjire Maman Sambo Sidikou oo maanta ka hadlay shir qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in looga hortago xadgudubyada ay geystaan ciidamada AMISOM, isagoo mid nasiib-darro ah ku tilmaaamay eedaha ku aaddan kufsiga haween Soomaaliyeed ay askar ka tirsan AMISOM u geysteen.

Ergayga ayaa sheegay in shirkan looga hadlayo sidii eedeynaha noocan oo kale ah loo xaqiijin lahaa, isla markaana looga hortegi lahaa inay mar kale soo laabtaan. Isagoo intaas ku daray in AMISOM uu waajib ka saaran yahay sidii ay uga hortegi lahaayeen wax walba oo howlgalka wax u dhimaya.

"AMISOM waxaa waajib ku ah inay si wanaagsan u fuliso howlgalkeeda lana ixtiraamo sharciyada xuquuqda aadanaha, kan dalka ay ka howlgalayaan u yaalla iyo sidoo kale shuruucda caalamiga ah ee ka hortagga xadgudubyada jinsiga,” ayuu Maman Sambo Sidikou ka yiri furitaankii shirka.

Sidoo kale, ergaygu wuxuu sheegay in eedeymaha la baarayo, wuxuuna ka dalbaday taliyeyaasha AMISOM in la raadiyo nidaamka iyo habkii jawaab cad looga bixin lahaa eedeymaha ku aaddan galmada ee lagula kacay haween Soomaaliyeed, isagoo xusay in cid walba oo dambigan lagu helo sharciga la marin doono.

Danjire Sidikou ayaa sheegay in shirkan oo socon doona saddex maalmood uu muhiim u yahay hagaajinta howlgalka iyo isla xisaabtanka si howlgalku uu u noqdo mid u adeegaya shacabka Soomaaliyeed.

“Taliyeyaasha AMISOM waxaan ku boorrinayaa inay howlgalka si wanaagsan u gutaan, ayna ka hortagaan wax walba oo xadgudub ah oo loo shcabka loo geysanayo. Waayo howlgalkan waa mid dhabbaha u xaaraya sidii Somalia oo dhan loo nabadeyn lahaa,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Shirkan ayaa waxaa lagu casuumay xubno ka socda, dowladda Soomaaliya, warbaahinta, bulshada, mas’uuliyiin ka socda Midowga Afrika iyo sidoo kale xubno ka socda dalalka Afrika Qaarkood.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya