4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 9 , 2014
Moseveni oo Sheegay in Al-shabaab laga Saaray Degmo ay Awood ku lahayd


Khamiis, Oktoobar 09, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni oo maanta ka hadlayay dabaal-dagga sannad-guuradii 52-aad ee kasoo wareegay markii ay xorriyadda ka qaateen Ingiriiska ayaa sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ay Al-shabaab ka saareen Baraawe oo ahayd degmadii ugu dambeysay ee ay awoodda ku lahaayeen.

Khudbaddiisa ayuu sidoo kale ku sheegay in dalka Uganda ay u tahay markii ugu horreysay oo dalka oo dhan ay nabadi ka jirto muddo 114-sannadood ah, isagoo sheegay in xoogaggii mucaaradka ahaa ee dowladdiisa dagaalka kula jiray ee uu hoggaaminayay Joseph Kony laga adkaaday.

“Sida aad dhammaantiin ogtihiin ciidamada Uganda ee AMISOM ka tirsan iyo kuwa dowladda Soomaaliya waxay Al-shabaab ka sareen degmooyin dhowr ah oo ay Al-shabaab ka talinaysay. waaxa degmooyinkan ku jirta Baraawe oo ahayd degmadii ugu dambeysay kuwa dekedaha leh oo laga qabsado Al-shabaab,” ayuu yiri Museveni.

Yoweri Museveni ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in gacan laga siiyo sidii ay dalkooda dib ugu dhisi lahaayeen ayna nabad ugu soo dabaali lahaayeen. Isagoo xusay inuu filayo in Soomaaliya ay nabadeyn karaan ciidamada Soomaaliya oo dib loo dhiso ayna AMISOM gacanta ugu weyn ka geysato tababarkaas.

Madaxweynaha Uganda ayaa intaas ku daray in dhibaatooyinka meelo badan oo calaamka ka socda ay ku yimaadeen qaladaad markii hore la sameeyay, kuwaasoo uu xusay in loo baahan yihiin in hadda la saxo.

“Ciyaartoyda caalamka inta badan waxay wax walba ka eegtaan dantooda, waana taas midda keentay dhibaatooyinka socda ee ay lagu waayayo dadka badan, sidoo kale waxay mas’uul ka yihiin dhaqaalaha dunida ee sii lumaya,” ayuu yiri madaxweynaha Uganda.

Dhanka kale, madaxweynaha dalka Uganda ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ka adkaatay jabhadihii ka dagaalamayay dalkiisa, taasina ay u noqonayso sabab in dhaqaalaha dalkiisu uu sannadkan uu sare u kaco 6.1% sannadkan iyo kan soo socda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya