4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 9 , 2014
Wafdi uu Horkacayo danjire Nicholas Key oo soo Gaaray Kismaayo (SAWIRRO)


Khamiis, Oktoobar 09, 2014 (HOL) :- Wafdi ballaaran oo uu horkacayo wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mudane Nikolas Key ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo iyadoo wafdigan uu kulan la qaatay madaxda ugu sareeysa maamulka Jubba.

Wafdiga uu horkacayo Mr. Key ayaa kulan ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd la qaatay madaxweeynaha maamulka Jubba Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe), kuxigeenkiisa 1-aad Mudane C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.

Markii uu kulanka soo dhamaaday ayaa waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay madaxweeynaha maamulka Jubba Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Nikolas Key.

Mudane Axmed Madoobe ayaa sheegay in masuulkan ay ka wada hadleen arimo ay kamid yihiin heshiisyadii Adisababa, arinta ciidamada, iyo weliba sidii nidaamka federaalismka ah looga hirgelin lahaa gobollada dalka Soomaaliya gaar ahaan Jubooyinka.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in dhankiisa in madaxweeynaha maamulka Jubba ay ka wada hadleen arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin maamulka wanaagga, sidii loo dardar gelin lahaa arimaha dib u heshiisiinta, isagoo sidoo kale ugu hambalyeeyay maamulka Jubba howlgallada ka dhanka Al-shabaab ee ay ka wadaan Jubooyinka.

Wafdiga ayaa kulanka kadib dib uga ambabaxay magaalada Kismaayo, waxaana imaatinka wafdigan uu kusoo beegmaya xilli gobollada Jubooyinka ay ka soconayaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ay wadaan ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM.

............
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.