4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 9 , 2014
Kalluumeysatada Puntland oo ka Cabanaya Maraakiibta iyo Doonyaha Jiriifka

Khamiis, Oktoobar 09, 2014 (HOL) — Kaluumaysatada ku dhaqan degmada Baargaal ee xarunta gobolka Gardafuu ayaa cabasho xooggan ka muujiyey maraakiib iyo doonyo shisheeya oo si sharci darro ah uga kalluumaysta xeebaha Puntland.

Kalluumaysatadu waxay sheegeen in bilihii u dambeeyey tirada doomaha iyo maraakiibta kalluumaysiga ee jiriifka loo yaqaanaa xeebaha Puntland kusoo bateen dhibaato weynna ku hayaan noolaha badda iyo weliba kalluumaysatada oo mararka qaar ay qalabkooda waxyeelo ka gaarsiiyaan.

Mas'uuliyiin ka tirsan waaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland ayaa sheegay in cabashada kalluumaysatada sida ugu dhaqsaha badan looga jawaabi doono, iyagoo intaas ku daray in xakameynta arrintani u baahan tahay iskaashi xooggan oo ay dowladda iyo dadweynuhu sameeyaan.

Madaxweynaha Puntland wuxuu bilo kahor sheegay in dowladdu dejisay qorshe cad oo lagula dagaalamayo kalluumaysiga sharci darrada ah, inkastoo ilaa iyo hadda wax tallaabo ah oo dowladdu qaaday aysan jirin.

Xeebta dalka Soomaaliya waxaa si sharci darro ah uga kaluumaysta maraakiib waaweyn oo nooca kaluumaysiga ah, maraakiibtaas oo intooda badan laga leeyahay dalalka Asia waxay qaar kamid ahi ogolaansho ka heystaan maamullada ka jira dalka.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya