4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 9 , 2014
Qaraxyo ismiidaamin ah oo lagu dilay 70-qof oo ka dhacay Yemen (SAWIRRO)


Khamiis, Oktoobar 09, 2014 (HOL) — Ugu yaraan 70-qof ayaa ku dhintay in ka badan 100-qof oo kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo ismiidaamin ah oo maanta ka kala dhacay magaalada Sanca ee xarunta Yemen iyo deegaan ku yaalla Koonfurta dalkaas.

Qarax ismiidaami ah oo ka dhacay bartamaha magaalada Sanca ayaa waxaa ku dhintay 50-qof, sida laga soo xigtay howl-wadeennada caafimaadka dalka Yemen, sidoo kalena waxay sheegeen in 90-qof ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen weerarkaas.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warbaahinta in qaraxa lala beegsaday ay ahayd goobta la weeraray faraagaha Taxriir oo ay ku sugnaayeen shacab taageersan Xuutiyiinta - Shiicada ah ee dagaalka ku qabsaday qaybo ka mid ah Sanca, ayna markiiba dhinteen 20-qof, dadka kalena y ku geeriyoodeen isbitaalka.

Sidoo kale, qarax ismiidaamin ahaa oo daqiiqado kaddib ka dhacay Mukalah oo ku taalla Koonfurta Yemen ayaa lagu dilay 20 askari, tiro kale dhaawacyo ayaa kasoo gaaray, iyadoo weli aysan jirin cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarradan ismiidaaminta ah.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in weerarradan la aaminsan yahay inay ka dambeeyaan xoogag ka tirsan sunniyiinta Yemen, iyadoo weerarkan dadka lagu dilay ay ku jireen caruur iyo dad badan oo shacab ahaa.

Ismiidaaminta ka dhacday Sanca ayaa lagu sheegay inay middii ugu xumayd tan iyo bishii hore oo kooxaha Xuutiyiinta ah ay ku qasbeen inuu xilka iska-casilo ra'iisul wasaarihii hore ee dalkaas.

Qaraxyadan ayaa imaanaya iyadoo Arbacadii shalay ay kooxo hubeysan 29-qof ku dileen weerarro ay ku qaadeen xafiisyo ay dowladdu leedahay iyo xarumaha hay’adaha amniga Yemen.

Madaxweynaha Yemen Cabdul-Rabbi Mansuur Haaddi ayaa dhawaan xilka ra’iisul wasaaraha Yemen u magacaabay mas’uul kasoo jeeda Xuutiyiinta oo lagu magacaabo, Axmed Cawad Bin Mubaarak, kaasoo uu ka dalbaday inuu soo dhiso xukuumad wadaaag ah.

Ugu dambeyn, goobjoogayaal ku sugan magaalada xarunta ah ee Sanca ayaa u sheegay warbaahinta caalamka in dibadbaxyadu ay sii socdaan, ayna  dadka dhigaya dibadbaxyadaas u badan yihiin dhallinyaro rag ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya