4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 9 , 2014
Shir looga hadlayo xadgudubka lagu eedeeyey AMISOM oo ka furmay K/Afrika


Khamiis, Oktoobar 09, 2014 (HOL) — Shir looga hadlayo xadgudubyada ay ciidamada ka socda Midowga Afrika ee AMISOM kula kacaan haweenka Soomaaliyeed ayaa ka furmay maanta magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, kaasoo muddo saddex casho ah socon doona.

Fududeynta shirkan ayaa waxaa gacan ka geysatay hay’adda ACCORD oo ka shaqeysa nabadeynta, fadhigeeduna yahay Johannesburg, waxaana shirkan ka qaybgalaya madaxda AMISOM iyo wufuud kala duwan oo dunida ka kala timid.

Kulankan ayaa waxaa furay wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia ahna madaxa howlgalka AMISOM, danjire Maman Sambo Sidikou oo maalmo ka hor shaqada billaabay, isagoo sheegay in dastuurka Midowga Afrika uusan ogoleyn in waxyeello loo geysto shacabka.

“Xarunta Midowga Afrika aaad ayaa looga hadal hayaa arrintan ku saabsan kufsiga lagu eedeeyay ciidamada AMISOM inay u geysteen haween Soomaali ah, waxaase la wadaa sidii xaqiiqada arrintaas lagu ogaan lahaa,” ayuu yiri Sidikou, wuxuuna ka gaabsaday in ciidamada AMISOM inay dambi galeen; isagoo xusay inaanu dhihi karin dambi ayay galeen ciidamadeenna Somalia ku sugan inta laga xaqiijinayo eedeynta.

Maalmaha uu shirku socdo ayaa waxaa lagu falanqeyn doonaa ka hor-tagga anshax-xumadda lagu dhaqmo haweenka Soomaaliyeed ee ay ciidamada ka tirsan AMISOM geystaan. Waxaana si gaar ah diiradda loo saari doonaa sidii madaxda AMISOM ay arrintaan u maareyn lahaayeen.

Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay warbixin ay HRW soo saartay dhawaan, taasoo ku saabsanayd falal kufsi ah oo ay ciidamadu u geysteen haween Soomaaliyeed oo dawooyin iyo cunno u raadsaday xeryaha ay AMISOM kaga sugan yihiin Muqdisho.

Saraakiisha AMISOM oo arrintan ka hadlayay ayaa sheegay in hay’adda HRW ay tahay hay’ad reer galbeed ah oo ujeeddo gaar ah leh; isl markaana rabta inay baabi'so guulaha is-daba-jooga ah ee AMISOM ka gaareen howlgallada ay kawadaan Soomaaliya.

Intii uu shirka socday ayaa waxaa si kadis ah ku soo galay shirka Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo haddana ah madaxa baaritaanka ee Midowga Afrika ee Koofurta Suudaan. Wuxuuna shirka ka sheegay in askarta ay leeyihiin dareen, laakin madaxdooda laga rabo in ay xaqiijiyeen in aan la ogolaan falal dhan ka ah shacabka guud ahaan gaar ahaan haweenka.

Ugu dambeyn, sarkaal sare oo shirka ka qayb-galaya ayaa HOL u xaqiijiyay in shirka lagu magacaabi doono guddi ka socda Midowga AFrika oo baaris ku sameyn doona xad-gudubka la sheegay inay ciidamada AMISOM geysteen.

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in ururka Midowga Afrika aysan marnaba ogolaan doonin in ciidameeda ay xadgudub kula kacaan shacabkii ay u yimaadeen inay difaacaan. Isagoo intaas raaaciyay in guddigaan laga kala keeni doono dalalka Qaaradda Africa oo dhan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya