4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 9 , 2014
Puntland oo Guddi u Magacowday soo Dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha Somalia

Khamiis, Oktoobar 09, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa in laba maalin ka dib oo ku beegan 11-ka bisha uu booqasho rasmi ah ku yimaado magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland.

Puntland ayaa guddi gaar ah u magacowday soo dhaweynta wasiirka koowaad ee dowladda Somaliya ,waxaana soconaya qaban-qaabooyin ku aadan sidii loo soo dhaweyn lahaa  raysul-wasaaraha ,iyadoo qaar kamid ah bilicda magaalada la sii hagaajiyay.

Wasaaradaha arimaha gudaha iyo Haweenka ee Puntland ayaa si gaar ah loogu magacaabay in ay diyaariyaan qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo raysul-wasaare C/wali oo markii ugu horeysay booqasho ku imaanaya gobolka.

Booqashadisa Puntland ayaa la sheegay in ay qaadan doonto muddo dhowr maalmood ah ,waxaana lagu wadaa in uu booqdo magaaloyin kale oo ka tirsan Puntland sida ay xaqiijiyeen ilo ku sugan Garowe.

Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in ay ka wada hadlaan arimo la xiriira dib u soo celinta xiriirkii federaalka iyo maamulka oo ahaa mid aan caga badan ku taagneyn ka dib markii labada dhinac uu khilaaf soo kala dhex-galay bilo ka hor.

Ugu danbaynti waxaa kaloo lagu wadaa in xal-laga gaaro khilaafyadii horey u jiray waxaana dhowr jeer oo hore ay dowladda Somaliya ku celisay in Puntland ay kala hadli doonaan mugdiga keenay in xiriirka labada dhinac uu istaago.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]