4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 9 , 2014
Kenyatta oo dib ugu laabtay Magaalada Nairobi kaddib dhageysigii dacwadiisa


Khamiis, Oktoobar 09, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa dib ugu laabtay maanta magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, kaddib markii uu shalay hortagay maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC si uu u dhageyso dacwadihii loo haystay.

Kenyatta ayaa waxaa soo dhoweeyay ku-xigeenkiisa William Ruto oo si KMG ah xilka loogu dhaariyay maalin ka hor markii uu ka tagayay Nairobi si uu u hortago maxkamadda ICC, iyadoo waddooyinka garoonka illaa Nairobina ay ku sugayeen dadweyne badan oo taageersan.

Madaxweynaha Kenya ayaa beeniyay gabi ahaan dacwadihii loo haystay oo ay ka mid ahaayeen inuu xiriir la leeyahay koox qowlaysato ah oo Kenya ka jirta laguna magacaabo Mungiki, sidoo kalena wuxuu diiday inuu gacan ka geystay dilka dad badan oo ku dhintay rabshadihii dalkaas ka dhacay 2007 illaa 2008.

Qareenka u doodayay madaxweynaha Kenya ayuu u wakiishay inuu mas’uul uga yahay ka hadalka dacwadaha loo haysto, iyadoo Kenyata uu noqonayo madaxweynihii ugu horreeyay oo isagoo xil haya hortaga maxkmadda ICC si uu u dhageysto dacwdao dhinaca bani’aadamnimad ah oo loo haysto.

Inkastoo weli ay dacwaddiisu socoto, haddana waxaa lagu wadaa inay go’aan kama dambeys ah ka gaarto maxkamadda dacwooyinka loo haysto Kenyatta oo la sheegay inay yihiin shan dacwadood oo kala duwan.

Kenyatta iyo ku xigeenkiisa Ruto ayaa loo haystaa dacwado la xiriira inay ka geysteen gacan rabshadihii ka dhacay Kenya ee ay dadka badan ku dhinteen, kaddib markii lagu murmay doorashadii madaxnimo ee dalkaas ka dhacday sannadkii 2007.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya